Sunday, March 8, 2015

“Haddaan Caafimaadkii iyo Biyihii haysanno Maaliyad iyo Daakhili ma rabno… ee hadduu Madaxweynuhu Tacliinta noogu daro way fiicnaan lahayd..”

Fu’aad Aadan Cadde
Hargeysa, 08 March, 2015-(Himilo)- La-taliyaha Arrimaha Bariga ee Madaxweynaha Somaliland Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sheegay in Beesha Sool ee uu ka soo jeedaa wakhtigan Xukuumadda ka hayso xilal muhiima oo ah Wasaaradaha Caafimaadka iyo Biyaha, isla markaana aanay dan ka lahayn qabashada Wasaaradaha Maaliyadda iyo arrimaha gudaha, hase-yeeshee, waxa ka dhimani keliya yahay Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare.
FU'AAD YARESiyaasiga Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas oo lagu qabtay Hargeysa, waxaanu sheegay in Biyaha iyo Caafimaadku yihiin Adeegyada Bulshadu aadka ugu baahan tahay markasta iyo meel kasta.
“Biyuhu waxa ugu weyn ee Ajar laga helo weeye, waxa ugu wayn marka aad cid waraabiso, Gabadhii la yidhi; ‘Ey dadka cuna ayay waraabisay Jannadii bay ku tegtay’ haddaad dadka waraabisaan, duunyada iyo Beeraha idinkuna dee Janno ka wayn tii hore ayaad gelaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.
Fu’aad oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Nin baa la yidhi Fardaha waraabi, laakiin Xamarka ka war hay baa la yidhi; ‘Dadka waraabiya, Duunyada waraabiya oo Beeraha waraabiya, laakiin……… Waxaan u jeedo waa la garanayaa. Madaxweynuhu aad iyo aad buu u mahadsan yahay oo Laba meelood oo aad u mihiim ah baannu horta haysannaa, Caafimaadkii iyo Biyihii kol haddaannu haysanno oo wixii dadka wax u qabanayey ah Maaliyad iyo Daakhili midna ma rabno, waxa naga maqan Tacliintii oo qudha, Hadduu Madaxweynuhu Tacliinta noogu dara-na way fiicnaan lahayd.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment