Sunday, March 8, 2015

Midawga Afrika oo laga helay Sir ay ku duminayaan dawladda hadda ka jirta Suudaanta Koonfureed

Juba, 08 March, 2015-(Himilo)- Warbixin qabyo ah oo la soo dusiyay ama si dadban Warbaahinta caalamka qaarkeed u heshay oo ku saabsan colaadda ka taagan Sudan-ta Koonfureed oo ka soo baxday Ururka Midowga Africa, ayaa ku baaqaysa in la sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo aanay qayb ka ahayn Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisii hore.
Waxa ay soo jeedinaysaa Warqaddan Sirta ah ee la helay nuxur ahaan in Maamulkaasi la hoos-geeyo Shir_Madaxeedka_Midowga_AfrikaMidowga Afrika. Madaxweyna Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Ku-xigiinkiisa hore Riek Machar oo isagu hadda ah hoggaamiyaha Jabhadda dagaalka kula jirta dawladda dalkaas, ayaa ku guul-darraystay in ay heshiis nabadeed gaadhaan maalintii Khamiista oo ahayd wakhtigii kama damabysta ee loo qabtay. Midowga Afrika waxaa lagu waday in Warbixintan uu soo hordhigo kulan Madaxeedka dhacay bishii Januray, balse shaacinteeda ayaa dib loo dhigay.
Dawladda Itoobiya oo hoggaaminaysay Wada-xaajoodyada, ayaa cambaaraysay labada hoggaamiye, waxaanay sheegtay in guul-darrada ay hoorseedi doonto oo keli ah dagaallo iyo dhibaato hor leh. Tobannaan kun oo qof, ayaa ku dhimatay, 1.5 Milyan qoys-na way ku barakaceen colaadda ka taagnayd dalkaasi tan iyo bishii December 2013-kii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment