“Waxaannu iskaashan doonnaa Madaxweynaha iyo Xisbigayaga KULMIYE ee aan Madaxweynaha la aasaasay oo Rag badan oo maanta ku jiraa xilliyo dambe ay soo galeen…. Waxaannu midayn doonnaa…” Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale
Hargeysa, 08 March, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa tallaabada keentay in Madaxweynuhu xilka Wasaaraddaas ka wareejiyo ku tilmaamay isku-dir ama isku-dhufasho iyo munaafaqadayn aan la hubsan oo lagu wiiqayey wada-jirkooda shaqo iyo Saaxiibtinimo, waxaanu arrintiisa si cilmiyan ah u barbar-dhigay Qisooyin soo maray Saxaabadii Rasuulka iyo Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Samaale waxa uu ka hadlay xidhiidhka isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeya iyo siyaasaddiisa mustaqbalku sida ay noqonayso, waxaanu yidhi; “Xidhiidhka Aniga iyo Madaxweynuhu hore wuu u fiicnaa, immikana wuu fiican yahay, waanu jiri doonaa Insha ALLAAH, sidaannu awalba isku ahayn iyo si kasii fiican ayaannu isku ahaan doonnaa, una wada shaqayn doonnaa Insha Allaahu tacaalaa.”
“Xisbigayaga KULMIYE ee aan Madaxweynaha la aasaasay oo Rag badan oo maanta ku jira Xisbigaas xilliyo dambe ay soo galeen, kaalintii aan kaga jiray ayaan kaga jiri doonaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo, Hankayguna waa halkiisii. Waxaannu iskaashan doonnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland sidaannu awalba isku-kaashanaynay, waxa kale oo aannu iskaashan doonnaa Xisbiga KULMIYE ee aan ka tirsanahay, sidaasaan uga tirsanaan doonaa ugana mid ahaan doonaa. Waxaannu adkayn doonnaa Midnimada Xisbiga gudihiisa iyo Midnimada Xisbiga iyo Xukuumadda.” Sidaa ayuu yidhi Samaale.
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu iftiimiyay in isaga iyo Madaxweynaha dad xumaan u kala gudbiyeen, waxaanu yidhi; “Laba qof oo kasta oo isjecel, wada shaqeeya oo isku xidhan oo Saaxiib ah, Xasad iyo Xaasid ayay leeyihiin. Waxa jira dadka qaar warka inta xun uun ka shaqeeya, isku dirka iyo kala fogaynta. Aayaadkaasi Sabab Nasuul bay leedahay, laakiin waa Qiso Ummadda Muslimiinta ah mar walba si guud loogu sheegayo inay jiraan wakhtigii Asxaabta iyo hortood-ba inay jiraan dad ka shaqeeya inay kala geeyaan oo kala kexeeyaan dadka, Illaahay baa leh hubsada warka la idiin keenayo.”
Samaale oo sii waday wuxuu yidhi; “Waxaa Jirtay Qiso in Rasuulka (SCW) Nin Reer Baadiye ah u sheegay in Wakhti heblaayo Sekeda loo soo dooni doono. Ninkii oo sii diyaariyay Sakadii Xoolihiisa oo sugaya Ballankii Rasuulka(SCW), ayaa Rasuulku(SCW) Nin Sakada ka soo qaada u soo diray, Ninkii Sakada loo soo diray muu soo gaadhin Ninkii Sakada laga soo qaadayay ee dhexduu ka soo noqday isagoo leh Ninkiina Sakadii iima soo dhiibin anna waa la I dili gaadhay oo dirqi ayaan ku soo fakaday.”
“Ninkii Sakada laga soo dooni waayay wuxuu Yidhi; ‘Rasuulka Illaahay been ma sheego wakhtigii uu ila ballamayna way gaadhay ee Sakada ayaan u gaynayaa, waxaana dhexda iskaga hor yimid Ciidan Rasuulku (C.S.W) u soo diray Ninkan Sakada diiday iyo Ninkii oo Sakadii wada, waxaana la iskula tegay Rasuulka, xilligaana waxaa soo degay Waxyi Illaahay leeyahay hadduu Mid war idiin keeno Iska Hubsada. Maanta Waxyi soo degi maayo. Laakiin, Ayaamaha dhaw ee aan fogayn wax waliba hortiinnay iman doonaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay inay arrinta isku dirka isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo gaadhay in isaga cod loo eekaysiiyay la duubay, loona geeyay Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Caa’isha (RDCH) oo Sawjaddii Rasuulka ahayd (C.S.W), ayaa lagu eedeeyey inay Sinaysatay oo ay gogol-dhaaf samaysay, bal hadda u fiirsada, Maanta waxaa la odhanayaa cod baa la duubay oo la hayaa, Cabdicasiis oo Madaxweynaha Caayaya, Masalan mararka qaar waa wax dhacaya oo aan caddayna loo hayn. Laakiin, inta loo eekaysiiyo ayaa sidaas la odhanayaa mararka qaarkood.”
“Caa’ishaa (RDCH) sinaysatay baa la yidhi, Dabadeedna markaasaa wax caddeeya la waayey, Rasuulka (SCW) way ku adkaatay, Saxaabadii way ku adkaatay, Caa’isha ma oga, mar dambe ayay Caa’isha ogaatay in la yidhi; way sinaysatay, Oohint ay ooyeysay Beerkeeda ayaa afka ka yimi, xilli adag ayay Gurigii Rasuulka iskaga tegtay, waxaanay tagtay Gurigii Hooyadeed, Rasuulkaana (C.S.W) yidhi Gurigii Hooyadaa iska teg. Rasuulku (C.S.W) Asxaabo badan buu la tashaday, sida maantaba dad badan in lala tashadaa ay waajib u tahay. Cali Bini Daalib wuxu yidhi; ‘Yaa Rasuulullaah, Dumarka Carbeed way badan yihiine haddii Caa’isha wax laga sheegay maad iska fasaxdid? Afartan Maalmood ayaan Waxyi ku soo degin Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee,…..Haddii Rasuulka iyo Sawjaddiisa la kala kexeeyey xilligaas dad maanta siyaasadda meel ka wada ciyaaraya miyaan si fudud lagu kala kaxayn karin oo war lagu kala kaxayn karin?.”
Sidoo kale, waxa uu Tusaale u soo qaatay Cabdicasiis Maxamed Samaale Qisadii Nebi Yuusuf (CSL) ay kula kaceen Walaalladii, markii ay arkeen inuu ka dheereeyey oo Aabbohood Nebi Yacquub aad uga jecel yahay Yuusuf oo ugu yaraa, markaasoo intay kaxeeyeen Ceel ku rideen talo dhex-martay Walaalladiis ka dib, taasoo uu ku tilmaamay Xaasidnimo iyo inay neceen sida loo jecel yahay markay arkeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment