Sunday, March 8, 2015

Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay oo Xilka kala wareegtay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas

“Waxaan aniga iyo Wasiirkii hore isku wareejinaynaa Gabadha miskiinadda ah ee saaka fadhiisatay Cadceedda iyo qofka shaqaalaha ah Cashuurta laga soo ururiyo ee wax farxad lagula kala wareego maaha...” Wasiirka cusub ee Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan
Hargeysa, 08 March, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay xilka kala wareegtay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Cabdicasiis Maxamed Samaale, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Sabtidii toddobaadkii hore isku beddelay labada Wasiir, inkasta oo uu Samaale iska casilay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo loo beddelay, halka Wasiirkii Waxbarashadana uu Maaliyadda u soo beddelay.
SAMAALE IYO SAMSAMMunaasibadda Xil-wareejinta oo shalay lagu qabtay Hoolka Dabaqa sare ee Wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Wasiiru-dawlayaal, Wasiir Ku-xigeenno, Agaasimayaal guud, Shaqaalaha Wasaaradda, Taliyaha Booliska, Guddoomiyaha Baanka dhexe, Salaaddiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye oo furitaankii Xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay in muddadii uu Cabdicasiis Samaale ahaa Wasiirka Maaliyadda ay si fiican u soo wada shaqeeyeen, isla markaana uu Samaale meel fiican gaadhsiiyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka, aadna uu ugaga mahad-celinayey sidii fiicnayd ee ay u soo wada shaqeeyeen. Waxaanu ballan-qaaday inay Wasiirka cusub ee Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan sidii ay ula shaqayn jireen Samaale iyo si ka sii wacan-ba ula shaqan doonaan.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isaguna Munaasibaddaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayey ka jeediyey, waxaanu yidhi; “Xilka maanta aan hayay ee Wasaaradda waxaa Ii Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waanan uga mahadnaqayaa. Kalsooni uu igu qabay oo aannu isku qabnay ayuu iigu magacaabay, waxaa naga dhexeeyay Madaxweynaha Kalsooni, wada shaqayn iyo Is Aamin, walina naga dhexeeya, wuu naga dhexeeyay walina wuu naga dhexeeyaa.”
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlayey xaddiga Lacagta uu ku wareejiyey Wasiir Samsam, waxa uu yidhi; “Waxa Qasnadda dawladda ku jirta marka la isku wada daro oo aan maanta wareejinayaa ama ha noqoto Lacagta Shilinka Somaliland ee Qasnadda ku jirta ama ta Doollarka ah, inta kale ee Bangiga ku maqan, Lacagtaasi waxay isku gaadhaysaa 19,076,241 (Sagaal iyo toban Milyan, lix iyo toddobaatan kun, laba Boqol iyo Afartan iyo Hal). Waxa kale oo ay Wasaaradda Maaliyaddu bixisay saddex boqol oo Milyan oo Doollar oo ahaa Lacagta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo Miisaaniyadda Qaranka ku jirtay. Lacagtaas oo ay ahayd in qayb-qayb loo bixiyo waannu sii qaddinnay, waxaanay galaysaa Lacagta Maanta aan wareejiyey.”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee shalay xilka la wareegtay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Munaasibaddaas ka hadashay, ayaa u mahad-celisay Wasiirkii hore oo ay sheegtay inay si fiican u soo wada shaqeeyeen muddadii ay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Waxbarashada kala joogeen labadoodu, waxaanay ka warrantay culayska xilka loo dhiibay oo ay Bulshada Somaliland u soo jeedisay inay ugu duceeyeen in Allaah ku asturo.
“Horta, Wasiirkii hore aad baan ugu mahad-naqayaa, waayo waxa uu ahaa Laf-dhabarta dawladda, Maaliyadda uu halkaas gaadhsiiyey dedaal, wanaag, niyad-sami iyo isagoo Illaahay aamminay ayuu halkaas ku gaadhsiiyey. Annaga Wasaarad Waxbarasho ahaan si wanaagsan oo sharaf leh ayuu noola shaqayn jiray oo waxaannu ula tagnaba wuu naga caawin jiray.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Wasiir Samsam oo sharraxaysay culayska xilka ay la wareegtay, waxa ay tidhi; “Waxa weeyaan Ammaanaa la innoo dhiibayaa, markii horena ammaanada Carruur, Iskuullo iyo ilma-yar oo dhaqdhaqaaqaya wixii sii baannu haynay, immikana waa ilmahaas yari wixii uu cunayay iyo wixii wax loogu qabanayey weeyaan waxaannu aniga iyo Wasiirkii hore isku wareejinaynaa. Waxa weeyaan waxaan aniga iyo Wasiirkii hore isku wareejinaynaa Gabadha miskiinadda ah ee saaka fadhiisatay Cadceedda iyo qofka miskiinka ah ee shaqaalaha ah Cashuurta laga soo ururiyo weeye.”
“Markaa, wax ciyaara maaha, wax si farxad leh iyo deg-deg loola kala wareegana maaha, markaa waxaan idinka baryayaa oo aan ummadda reer Somaliland ka baryayaa inaad iigu ducaysaan in ALLAAH igu asturo. Cabdicasiis-na waxaan ka baryayaa inaanu iga fogaan ee uu ila shaqeeyo ee uu runtii talo iyo tusaalooyin badan isiiyo, waayo? Waxani waa wax Qarankeennu leeyahay, wax qofna gaar u leeyahay maaha.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Sidoo kale, Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha gudaha, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirro kale, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay dhammaantood Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ku ammaaneen inuu Wasaaraddaas iyo Dakhliga Qaranka-ba meel fiican soo gaadhsiiyey, iyagoo Wasiirka cusub-na ugu duceeyey inay meeshaas iyo meel ka sii fiican sii gaadhsiin doonto, waxaanay Allaah uga baryeen inuu xilkaas ku asto Wasiir Samsam oo ah Haweenaydii ugu horreysay ee Wasiir ka noqota Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo sidoo kale Wasaaradda laga soo beddelay ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo halka ay gaadhsiisay aad loogu ammaano.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment