
Banaanbaxan lagu cambaareenayo siyaasada Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa ka qeyb qaatay dad ka badan 50 kun oo qof, waxana ay soo jiiteen indhaha Beesha caalamka.
Dadkan oo isugu soo baxay fagaaraha Rabin ee magaalada Tel Aviv ayaa ku dhawaaqayey erayo ay kamid ahaayeen “…Bibi aad gurigaaga….” Bibi waa magalada Benjamin oo lasoo gaabiyey.
Xubnaha khudbadaha kasoo jeediyey goobtaasi ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyihii hore ee Sirdoonka Isra’iil (Mossaad) ninka lagu magacaabo Mr.Meir Dagan.
Dagan ayaa ku eedeeyey Netanyahu inuu siyaasada ku fashilay isla markaana Isra’iil ay xiligan ku jirto go’doon siyaasadeed, waa siduu hadalka u dhigay.
Waa banaanbixii ugu balaadhnaa oo in muddo ah ka dhaca dhulka uu maamulka Isra’iil ka arrimiyo, wuxuuna kusoo beegmayaa xili Netanyahu doonayo inuu ka badbaado doorashooyinka dhawaan ka dhici doona maamulka Isra’iil.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment