Thursday, April 2, 2015

Ururka SOLJA oo si Adag uga hadlay Weriye lagu xidhay Berbera

Hargeysa, 02 April, 2015 (Himilo)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareeyey xadhig lagula kacay Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ka hawl-gala magaalada Berbera, kaas oo ciidamada Ammaanku wakhti habeenimo ah kala baxeen gurigiisa, waxaanu ururku tallaabadaas ku tilmaamay mid baal-marsan sharciga oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Saxaafadda.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ciidamada Ammaanka iyo hay’adaha ay khusayso ugu baaqay inay hannaan sharciga waafaqsan u maraan xadhigga Suxufiyiinta oo madax-bannaanidooda la dhowro, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo dhacdadan ka hadlay xalay.
War-saxaafadeedka SOLJA oo lagu dhaliilay sifaha loo maray xadhigga suxufiga, waxa lagu sheegay, “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda iyo masuuliyiinta kale ee bixiyey amarka xadhiga wariye Axmed Siciid Maxamed oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan in ay xorriyadiisa u celiyaan isla markaana u maraan nidaam sharci ah Dacwadiisa.
Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa talaabo kasta oo suurtogalinaysa in Dacwadaha Wariyayaasha aan lagu deg degin isla markaana la tixgaliyo in qabashadooda loo maro Hay’addaha Garsoorka si waafaqsan xeerka Saxaafadda Somaliland iyo Dastuurka Qaranka,” Sidaas ayuu Guddoomiye Maxamuud Jaamac ku sheegay War-saxaafadeedka.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Ururka SOLJA waxa uu ka xun yahay in qabashadiisa Ciidanka ilaalada Dekeddu u maraan nidaam ka baxsan sharciga iyagoo Saq dhexe ku garaacay gurigiisa, isla markaana uu illaa hada ugu xidhan yahay Dekedda dhexdeeda, kadib markii uu Wariyuhu u tagay subaxnimadii.
SOLJA waxay diyaar u tahay in ay gacanta ku qabato Eed kasta oo laga tirsado Wariyayaasha ka hor intaan lagula kicin xadhig, si loo ilaaliyo sumcadda dhanka xorriyatul Qawlka ee ay S/land ku dhex leedahay Gobolka iyo beesha caalamkaba.”
Waxa uu Guddoomiyaha SOLJA sheegay inaanay marjnaba Aqbali doonin in lagu xad-gudbo xuquuqda iyo xoriyadda Suxufiga iyo Saxaafadda, waxaanu ku sheegay war-saxaafadeedka, “SOLJA marnaba raali ka noqon mayso in wariye ku xad-gudbo maslaxadda Qaranka, xuquuqda Masuuliyiinta iyo ta Bulshada toona , sidoo kale-na ma aqbalayso in Hay'adaha ammaanku kula kacaan Tacaddi waxyeelaya karaamadda iyo sharafta Suxufiyiinta Dalka. Ugu danbayn SOLJA waxay ugu baaqaysaa Xukuumadda in Wariye Axmed Siciid Maxamed Xorriyadiisa usoo celiso,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment