Saturday, May 9, 2015

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay tallaabo adag ka qaadayso Hay’ado Faafinaya Mad-habta Shiicada oo Muqdisho lagu sheegay

Muqdisho, 09 May, 2015-(Himilo)- Dawladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay tallaabo adag ka qaadayso Hay’adda ama Ururka ay ku caddaadaan eedaymo iyo cabashooyin la xidhiidha inay gudaha Caasimadda Muqdisho ka bilaabeen faafinta Mad-habta Shiicada, taasoo ay sheegtay in ujeeddada laga leeyahay tahay in colaado iyo iska hor-keen hor leh lagaga bilaabo Soomaaliya.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIRGuddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), ayaa walaac ka muujiyay Barnaamij ku saabsan faafinta Mad-habta Shiicada ee Diinta Islaamka ku abtirsata oo uu sheegay in magaalada Muqdisho laga bilaabay.
Guddoomiye Muun-gaab, waxa uu sheegay inay soo gaadheen cabashooyin ku aaddan arrintan faafinta Mad-habta Shiicada, kuwaasoo uu xusay inay u sheegeen in Hay’ado iyo Ururro aan dawli ahayn oo huwan shaadh ah inay arrimo gargaar ka shaqaynayaan waddaan faafinta Mad-habta Shiicada.
“Waxa jira cabashooyin ka imanaya Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool, gaar ahaan Culimada, Abwaannada, Aqoonyahanka iyo Dhaqanka, taasoo ah; ‘Muqdisho waxa ka socda mashruuc dadka Mad-habta Shiicada lagu barayo, waxaana hawshan wada NGO-yo ku gabbanaya inay arrimo gar-gaar wadaan, arrintaasna welwel ayay na gelisay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Xuseen.
Guddoomiye Muun-gaab, waxa uu qaybaha Bulshada iyo Maamulka ku baraarujiyay in arrintaasi laga feejignaado, waxaanu yidhi; “Hay’adaha amniga gobolka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, dhalinyarada iyo Haweenka waxa la farayaa inay ka hor-tagaan arrintan, soona qabtaan NGO-gii isagoo faraha kula jira la arko, waayo? Innagu Xamar ayaan Xukunnaa in Shiico dadkeenna la barana ma aqbalayno. Waayo? Waxaan awalba khaati ka taaganayn argaggixisada, ma oggolaanayno in la keeno Shiicana.”
Duqa Muqdisho, waxa uu sheegay inay waddaan baadhitaanno dheeraad ah oo arrintan ku saabsan marka la gabogabeeyana warbixin rasmi ah laga soo saarayo, waxaanu yidhi; “NGO-gii lagu helo inuu Shiico Muqdisho ku faafinayo xattaa 1% sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan albaabbada ugu laabaynaa, dalkana waa laga eryayaa.”
Sidoo kale, waxa uu Muun-gaab ku dooday in Shacabka Soomaaliyeed ay gebi ahaantood yihiin SUNNI, isla markaana aanay aqbalayn in Bulshadooda la baro Shiico iyo wixii la mid ah. Waxaanu intaas ku daray in faafinta Mad-habta lagu doonayo in colaado hor leh lagaga abuuro gudaha waddanka Soomaaliya ee ay dhibaatooyinka dagaalladu ragaadiyeen 23-kii sanno ee ugu dambeeyey.
Sannadkii dhammaaday ee 2014-kii, ayaa markii ugu horreysay la arkay Shaqsiyaad iyo Qoysas Soomaaliyeed oo qaatay Mad-habta Shiicada ee Diinta Islaamka ku abtirsadaan dadka haystaa, taasoo ay jiraan waxyaabo badan oo la caddeeyey inay Diin ahaan ka qaldan yihiin, isla markaana ka soo horjeedaan qaar ka mid ah Khulufo-raashidiintii ama Asxaabadii qaaliga ahayd ee Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis Allaah Korkiisa ha yeelee. Sidoo kale, ay wax badan ku kala duwan yihiin Sunnada Rasuulka ee aynu haysanno iyo qaabka ay u dhaqmaan dadka Mad-habta Shiicada haysta ee Shiicada Iran, Yemen, Cuman, Suuriya iyo qaybo ka tirsan Ciraaq iyo meelo kaleba.
Soomaalidan Shiicada qaadatay oo uu ka mid ahaa Nin isagu markuu Shiicada qaatay, Xaaskiisa iyo Carruurtiisana ku qanciyey qaadashada Mad-habtaas, ayaa Magaciisa ku sheegay Maxamed, kaasoo deggan waddanka Ingiriiska, waxa uu ka mid ahaa dadkii wax ku bartay gudaha waddanka Soomaaliya xilligii dawladdii Kacaanku jirtay, isla markaana sheegay inuu Masuul ka ahaa Shirkad ka mid ahayd Sharkadihii wax-soo-saarka Soomaaliya, ayaa Culimo Shiico ah iyo Culimado Sunni ah oo Soomaali ah ka dhex-abuuray doodo muddo socday oo markii dambe dooddii Shiicadu isu beddeshay aflagaaddaynta Allaah raalli haka ahaadee Amiirradii Muuminiinta ee Cumar Binu Khadab, Cismaan Binu Carfaan iyo Abbokor Sadiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment