Hargeysa (Himilo):- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay u ahayd maalin ka duwan dhammaan maalmihii Soo maray ee la xusi jiray maalinta dhalinyarada Somaliland, taasoo ku astaysnayd maalin wax qabad.
Maanta oo kale ayaa Somaliland laga xusaa maalinta dhalinyarada Somaliland taasoo loogu asteeyay maalinii dhagaxtuurka Hargeysa oo ku beegnayd 20,02,1982 dii isla markaana maalintaa ay si xukun xaqdarro ah ku riday Maxkamadda Hargeysa dhalinyardii UFO oo ku mutaystay waddaniyadooda iyo dal jacayl ay kaga hor yinaadeen hoggaankii kali taliska ahaa ee Siyaad Barre oo xilligaasi xoog iyo qori caaradii kaga talinayay Somaliland.
Waxaa wadada dhinaca galbeed ka marta Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha saaka subaxnimadii xaadir ku ahaa Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal,Masuuliyiinta ururka Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, Maamulka iyo ardayda Dugsiga Sare ee Mujaahid Quulle Aadan ee Caasimadda Hargeysa,Ciidanka Baanboyda iyo Xubno ka mid ah dhalinyaradii UFO ee maalintan oo kale 1982 Xukunka Xaqdarada ah lagu riday ee uu a dhashay dhagaxtuurkii maalintaa ay dhalinyarada reer Somaliland kala hor yimaadeen Taliskii dhiig ku-noolka ahaa ee Siyaad Barre.
Waxaa halkaa socod lug ah ka soo bilaabay masuuliyiintaa kor ku xusan oo ay hir socdaan kooxda muusigga booliska ee baanboyda oo tumaya heeso ay ka mid yihiin heesta astaanta Qaranka ee Calanka Somaliland oo uu curiyay Allaah ha u naxariistee Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo Heesta Sadex waan u dedaalayaa oo uu sameeyay Allaah ha u naxariistee Muxumed Xaaji Ismaaciil(Kaneec).
Waxaa socodkaa lagu gaadhay Maxkaladda Gobolka Maroodi Jeex iyadoo ubax la dhigay taalladda loo dhisay maalintii Dhagaxtuurka,ubaxaasoo ay wada jir u dhigeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xubno ka mid ah dhalinyarii UFO.
Intaa kuma ekayn maanta iyo dhacdooyinka ay dheer tahay maanta maalmihii dhiggeeda ahaa ee Somaliland laga xusay.
Waxaa kaloo uu Madaxwyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Furay Sanduuqa horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo uu waliba ugu deeqay 100kun oo Dollar oo noqday lacagtii ugu horraysay ee Sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland ee maanta la furay lagu rido.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment