Thursday, February 27, 2014

Dawladda Itoobiya oo Shaacisay inay Naf iyo Maalba dul-dhigayso la-dagaallanka Al-Shabaab

Addis Ababa,(Himilomedia.com)- Dawladda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay ka shaqaynta ammaanka dalka Soomaaliya iyo la-dagaallanka nabad-diidka Al-Shabaab ee waddankaas ka dagaallama, waxaanay ku hanjabtay inay meelkasta kula dagaallami doonto Kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Itoobiya Dina Mufti, ayaa sheegay in dawladdiisa ay ka go’an tahay nabadeynta dalka Soomaaliya. “Itoobiya waxay Soomaiaya u dirtay ciidammo fara badan oo nabad ilaalin ah si ay qayb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika. Qorshaheennu waa in aan kula dagaalanno Al-shabaab meel walba oo ay Soomaaliya ka joogaan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda arrimaha diebdda Itoobiya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti, ayaa sheegay inay dawladdiisu xoog iyo maal fara badan ku bixinayso sidii dalka Soomaaliya ay nabad ugu soo dabbaali lahaayeen, iyaga oo kaashanaya Ciidammada Midawga Afrika oo ay dhawaan Ciidammadoodu ku biireen oo ay qayb ka noqdeen AMISOM.

Afhayeen Dina Mufti, waxa uu sheegay inay nabadda Soomaaliya tahay mid dani ugu jirto nabadgalyada gobolka Bariga Afrika, isagoo Al-shabaab ku tilmaamay koox kasoo horjeedda deggenaashaha gobolka oo dhan. Afayeenku waxa uu intaa ku sii daray in Itoobiiya ay qayb weyn ka qaadanayso nabadaynta dalalka gobolka, sida Koonfurta Sudan, Masar, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo Soomaaliya-ba.

Taliska Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM, ayaa bilihii ugu dambeeyey aad ugu cel-celinayey inay duullaanno culus ku qaadi doonaan gobollada iyo degmooyinka ay Kooxda Al-Shabaab ka taliso, isla markaana ay bartilmaameedsan doonaan fadhiisimaha ay deegaannada Soomaaliya ku leeyihiin. Hase-yeeshee, waxay Al-Shabaab dhinceeda ku hanjabtay inay weerarro culus ku qaadi doonto goobaha dawladda Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ay Ciidammada AMISOM ku sugan yihiin, iyaga oo xoojiyey weerarrada ismiidaaminta ah ee ay ka fulinayaan gudaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment