Hargeysa, 15 Feb, 2014 (Himilo)- Guddiga ay xillinta khilaafkooda u xuleen labada Garab ee uu Golaha Wakiillada Somaliland u qaybsamay, ayaa weli ku mashquulsan doodaha qodobbada Ajandaha ay isla qaateen inay labada dhinac ka wadahadlaan, isla markaana la filayaa inay maanta ama berri soo gebo-gabeeyaan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiaxmaan-Dheere) oo ah Guddoomiyaha Garabka ay hoggaaminayaan labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiilladda, ayaa Cabdifataax Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka xalay wax kaga weydiiyey halka wada-hadalkaasi u marayo, waxaanu sheegay inuu meel wacan waqtigan u marayo, isla markaana ay weli ka doodayaan qodobbada ajandohooda.
“Adeer wali waxa noo socota doodad Ajandaha aannu isla-qaadannay, shalay (Khamiistii) doodda oo noo socota ayuu waqtigu naga dhacay, markaa berri (maanta) ayaannu rejaynaynaa inay dooddu noo soo gebo-gabawdo, Axaddana aannu wax isla gaadho oo go’aammadu soo baxaan,” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ka jawaabayey su’aal Weriye Mursal ka weydiiyey halka wax u marayaan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay jiraan sida Warbaahinta qaarkeed faafisay in Dhinaca Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu aqbaleen inay ka noqdaan qodobbada ansaxay ee hoos loogu dhigay awoodda labada Guddoomiye Ku-xigeen, waxa uu yidhi, “Illaa hadda wax aannu isla qaadannay oo qodobbadaas ama qodobbo kale ku saabsan oo go’aan laga gaadhay ma jiro. Shirka anigaa hoggaaminaya, waanigan ku leh weli dooddii baa noo socota, warkaasina ma jiro, wax la isla qaatay oo aan ahayn qodobbada ajandaha ee laga doodayo oo aan illaa hadda kuu sheegaa ma jiraan, Axadda ayaanannu rejaynaynaa waxa la isla qaato ee go’aammo ah inaannu soo saarno, waanad ogaan doontaan haddii Illaahay yidhaahdo.”
Sidoo kale, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ah Guddoomiyaha Guddiga dhinaca uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaannu isku daynay inaannu geestooda wax ka weydiinno halkay wax u marayaan, hase-yeeshee, waxa uu naga qaban-waayey taleefankiisa gacanta, sidaa daraaddeed, waxaannu la xidhiidhnay Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa oo ka mid ah Guddiga Garabka Guddoomiyaha.
Xildhibaan Buubbaa, waxa uu u sheegay Wargeyska Himilo, inaanay illaa hadda jirin wax go’aammo ah oo la isla gaadhay iyo wax la isla qaatay oo aan ahayn Ajandaha laga wadahadlayo oo ku saabsan Mooshinnada iska soo horjeeday ee ay Golaha hor-keeneen Mudanayaasha labada dhinac ee Khilaafku u dhexeeyo. Hase-yeeshee, la filayo inay Sabtida maanta soo gebo-gabeeyaan doodda ajandaha laga wadahadlayo, isla markaana Axadda berri ay suuragal noqoto inay go’aammo isla gaadhi doonaan.
Md. Ibraahin Mahdi Buubbaa oo ka jawaabayey su’aal Wargeyska Himilo ka weydiiyey inay wax saamayn ah ku leedahay wadahalkooda Ergo Aqoonyahanno ah oo Khamiistii kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa sheegay inaanay saamayn ku lahayn Guddigaasi, waxaanu yidhi; “Maya! Ergadaasi wadahadalka labadayada dhinac u socda wax saamayn ah naguma laha ee waa Ergo Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahan ah oo is-xilqaamay.”
Heerka ah in labada dhinac wadahadlaan waxaa ku guulaystay Guddi dhexdhexaadin ah oo Golaha Guurtida ka socday oo kala dhex-galay labada dhinac ee Golaha Wakiillada, isla markaana ugu baaqay in mooshinnada iyo fadhiyadii Golahaas la joojiyo muddo toddobaad ah oo waxa la isku hayo dibedda lagaga wadahadlo, taasoo ay dhinacyada Goluhu u qaybsamayna ay aqbaleen, halka Ergo labaad oo ka socda Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahanka Somaliland qaarkood oo sheegay inay isu xil-qaameen ka qayb-qaadashada xal-u-helidda khilaafka Golaha Wakiillada ay Khamiistii kulan la yeesheen Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan-Cirro.
Khilaafka u dhexeeya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhinac ah iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed oo isku dhinac ah kana soo jeeda Xisbil-xaakimka KULMIYE, oo khilaafkoodu Mudanayaasha Golaha laba u qaybiyey, ayaa haddii lagu guulaysto wada-hadallada Guddiyada ay labada Garab iska xuleen la isku fahmo in la soo afjaro.
No comments:
Post a Comment