Hargeysa, 15 Feb, 2013 (Himilo)- Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti, ayaa Shahaado sharaf guddoonsiisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) taasoo uu ku mutaystay saacadaha dheeraadka ah ee wasiirku maalin walba u shaqeeyo ummaddiisa.
Munaasibad ka dhacday xafiiska Wasaaradda Caafimaadka, waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr Cismaan Xuseen Warsame, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo xubno ka wakiil ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti.
Agaasimaha guud ee wasaaradda oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa ku bogaadiyey jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti dhiirrigelinta ay u muujiyeen madaxda Somaliland iyo sida ay ugu shaqaynayaan umaddooda, kuwaas oo uu tusaale uga dhigay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed.
Md Cabdinaasir Axmed oo ku hadlay magaca jaaliyadda ayaa sheegay in jaaliyadda Somaliland ee ku sugan dalka Jabuuti ay u garteen wasiirka caafimaadka shahaado sharafa shaqo-wanaag ah oo uu mutaystay, isagoo tilmaamay inay ka war hayaan in Wasiirku maalin walba shaqeeyo saacado dheeraad ah, inta badana uu xafiiska ka rawaxo shanta galabnimo, hawlkarnimadiisuna ay mudantahay in la dhiirrigeliyo.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo munaasabadaas ka hadlay, ayaa ku ammaanay jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti sida ay uga war hayaan shaqada iyo hawlmaalmeedka ka socda dalkooda, waxaanu u muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay shahaado-sharafta lagu maamuusay isagoo ballanqaaday inuu sii kordhin doono dadaalkiisa iyo fulinta shaqada uu qaranka ugu xilsaaran yahay.
Sida la ogyahay wasiirka wasaaradda Caafimaadku waxa uu dhowaan socdaalo shaqo ku soo maray guudahaan gobolada Dalka isagoo xogogaal u soo noqday xaaladda caafimaad ee dalku halka ay marayso, islamarkaana taageerooyin caafimaad oo kala duwan gaadhsiiyey Degmooyinka dalka ee uu booqday.
HMG, Hargeysa
No comments:
Post a Comment