Saturday, March 8, 2014

Madaxweynaha la isku-khilaafsanyahay ee Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed oo la dhaariyey

Baydhabo, 08, March, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha sharcinnimadiisa khilaafku ka taagan yahay ee toddobaadkii hore loo doortay Hogaamiyaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa shalay xilkaas loogu dhaariyay xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Munaasibadda dhaarinta ayaa lagu qabtay xarunta ADC-da Baydhabo oo ahayd halkii uu ka socday shirkii lagu dhisay Maamulkaas, iyadoo ay dhaartinta Madaxweynaha goob-joog ka ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin kale iyo dadweyne tiro badan.

Waxaana Xildhibaannadii goobta dhaarinta ku sugnaa ka mid ahaa, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo dhammaantood ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

madoobeMadoobe Nuunow, ayaa xilka loo doortay Isniintii toddobaadkii hore isagoo lix xubnood oo la tartamayay ka guuleystay, waxaanu noqonayaa Mas’uulkii ugu horreeyay ee loo doorto loona dhaariyo hoggaaminta Maamul-goboleedka cusub ee Koonfur-galbeed oo ka kooban lix gobo loo kala ah Bay, Bakool, Shabeellaha hoose, Jubbada dhexe, Gedo iyo Jubbada hoose, hase-yeeshee dawladda Soomaaliya, ayaa sheetay inaanay aqoonsanayn Maamulkaas iyo doorashada Madaxweyne Nuunow toona, iyada oo ku doodday inaanu maamulkaasi sharci ahayn, isla markaana gees-maray nidaamka Maamul-samaynta iyo habka federaalka ee uu dhigayo Dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya. Waxaana go’aanka dawladda Soomaaliya taageeray Midawga Afrika (AMISOM).

Munaasabadda caleemo-saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaanay jirin wax wufuud heer caalami ah oo ka qayb-galay, iyadoo Ergooyinkii uu shirka Maamulkaa lagu dhisay u socday muddada dheer ay dhammaantood ku sugnaayeen Hoolka ay dhaarintu ka dhacaysay.

Ergooyinka hoggaaminayay shirkii lagu dhisay Maamulkaas ayaa sheegey in Maamulku uu yeelanayo gole Wasiirro iyo Baarlamaan, kuwaasoo ay soo kala xuli doonaan Madaxweynaha la doortay, Ku xigeennadiisa iyo Golaha Guurtida oo ah kuwii doortay Madoobe Nuunow.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda shir kale oo la doonayo in lagu dhiso Maamul-goboleed ka kooban saddex gobol oo sita magaca Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, kaasoo u muuqda inay dowladda Soomaaliya taageersan tahay.

Mas’uuliyiinta horkacaya shirkan ayaa waxay sheegeen in toddobaadka soo socda la dooran doono Madaxweynaha Maamulka iyo Ku-xigeennadiisa, iyagoo xusay inay kasoo qaybgeli doonaan Wufuud heer caalami ah oo uu ku jiro Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya iyo Madaxda dawladduba

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment