
Jaamac-Shabeel oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ma waxa jira khilaaf dhinaca qaybinta Ergooyinka ah oo Guddiyada Xisbiga ee hawshaa gacanta ku haya soo food-saaray? Waxa uu ku jawaabay; “May! Waxba la iskuma khilaafsana ee weli hawshii qaybtinta ayay gacanta ku hayaan Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, markaa waxaan hawshaas oo culayskeeda leh aan ahayni ma jiraan.”
Guddoomiyaha Golaha Dhexe oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey dib-u-dhac la sheegay inuu ku imanayo wakhtigii loo muddeeyey shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo ku beegan 22-ka Bishan, isla markaana bisha dambe horraanteeda la saadaalinayo in dib loogu riixo, waxaanu uu yidhi; “Dib-u-dhacaasi maaha mid si kale u imanaya, dib-u-dhac muddo dambe la qabtaa ma imanayo, waxa weeye Guddiga qaban-qaabadu intay hawsha ku dhammaysato ayuun buu ku qabsoomayaa. Markaa, immika way muuqataa in muddo maalmo ah oo laba saddex cisho iyo wax la mid ah dib uga dhaco 22-ka bishan March oo loo qorsheeyey inuu qabsoomo Shirweynaha saddexaad, hawshuna inta badan waa diyaar ee arrintaa qaybinta Ergooyinka ayuun baa hadhay. Markaa, Ergooyinka gobollada ka imanayaa markay Hargeysa yimaaddaan inta kaadhadhka shirka loo samaynayo ayaaba maalmo qaadanaysa, hadduu ugu batana March 31 bay ku dhammaanaysaa ma dhaafayo March qabashada Shirku.”
Mar la weydiiyey Jaamac-Shabeel, waxa keenay culayska dib-u-dhaca kale la filayo inuu ku keeno waqtiga loo cayimay qabashada Shiweynaha Xisbiga KULMIYE, waxa uu ku jawaabay; “Waxa culayskaa badan keenay waxaa batay dadka ku soo biiray Xisbiga ayaa aad u fara-batay, hadday tahay Xisbigii UDUB ee meesha ka baxay, hadday tahay Ururradii doorashada dawladaha hoose ku hadhay iyo dadka kale ee Xisbiga ku soo biiray. Markaa, ururradaa marka hore ayaannu liiskooda gudbinnay, laakiin dhaqan baynu leenahay aynaan dhaafi karin oo waxa haddii dawlad la dhisayo, haddii Guddi la magacaabayo iyo haddii Ergooyin loo yeedhayaba, tallaabadii la qaadayaba waxa lagu qiyaasaa oo lagu saleeyaa Hab-beeleed, dhaqankaas oo aan filayo inaynaan beryahaa dhaafi karin, si uu innooga hadhayana Illaahay baa garan.”
“Markaa, markii gobollada loo qaybiyey Ergooyinka marka hore, haddana Beelaha ayay gelaysaa. Liiska Ururrada Guddiga qaban-qaabada waannu u gudbinnay, haddana dabcan waa wax jiraya arrinta ah in Beelaha la waafajiyo, waayo? Waa cudur mar walba in la iska banbaaniyo oo sida ugu habboon looga gudbo u baahan habka beeluhu u baahan. Qurbo-joogga oo aanay markii horeba Xisaabta ku darsan ayuu iyaguna jira oo culayska qayb ka ah oo Hoggaanku Guddiga u gudbiyey inay ku daraan, Haweenka ayaa iyaguna jira, mararka qaarkood markaad aragto waxaad is-odhanaysaa ummaddii malaha cidiba kama maqna.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Ururrada Xisbiga ku biiray arrinta Saamiga beeluhu inay saamaynayso iyo in kale.
Jaamac Shabeel oo su’aal laga weydiiyey Haweenka ma saami gooniya ayaa la siinayaa, mise Ergada ka imanaysa iyagana waxa lagu salaynayaa qaabka saami-qaybsiga Beelaha, waxa uu ku jawaabay; “Haweenku iyagaa marba dhinac u dullaamaya oo marna leh Saami go’an ha naloo jaro, marna wax kale. Markaa, iyaga iyo Guddiga Qaban-qaabada ayaannu isu-dirnay oo maanta (shalay) ayey u tegeen Guddiga qaban-qaabada oo way wadahadleen. Waxaanannu hore u nidhi Liisaska Ergooyinka gobollada ka imanaya waa inay ku wada jiraan oo ay ka muuqdaan oo saami ku yeeshaan. Markaa, hawshaa culus baa meesha taalla, Ergadaas Kunka qof ah, ayaan lagu wada qancayn oo markasta cabasho ka taagan tahay. Markaa, labada maalmood ee innagu soo fool leh ayaynu eegaynaa waxay Guddigu keenaan.”
No comments:
Post a Comment