Hargeysa, 29 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo wefdi uu hoggaaminayo oo isugu taliyeyaasha Ciimada kala duwan ee dalka, ayaa la filayaa inay maanta socdaal ugu baxayaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Weftiga Wasiirka ayaa ka kooban Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, Taliyaha Booliiska Gaashaanle Sare Cabdillahi Fadal iimaan, Taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa la filayaa inay maanta gelinka hore ka amba-baxaan gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa..
Lama oga ujeeddada rasmiga ah ee socdaalka Weftiga Somaliland ku tagayaan dalka Jabuuti, haseyeeshee safarkan ayaa ahaa mid hore loo qorsheeyey dhowr bilood ka hor, balse dib u dhac dhinac farsamada ahi ku yimi.
In kasta oo aan xog rasmi ah laga haynin, haddana Socdaalka weftiga ayaa lala xidhiidhinayaa ka dib markii sida la sheegay xukuumadda dalka Jabuuti cabasho dhinaca kontarobaanka u soo gudbisay Xukuumada Somaliland iyo sidii arrintaas meel layskula dhigi lahaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment