Laba ka mid ah Eedaysaneyaasha Kiiskan loo haysto oo Xeer-ilaalintu ku Oogtay inay Marin-habaabiyeen Baadhista Kiiska
Hargeysa, 29 March, 2014 (Himilo)- Sabtida maanta ayaa lagu wadaa in la gudo-galo fadhigii labaad ee dhagaysiga dacwadda eedaysanayaasha loo haysto dilka Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo labadii bishan Meydkeeda laga soo saaray god guri dhexdii looga qoday oo lagu aasay, kiiskaas oo dhegaysiga dacwaddiisa koowaad la bilaabay Arbacadii inna dhaaftay, iyaga oo Xeer-ilaalintu ay shan qof oo toddobada eedaysane ka tirsan ku eedaysay qodobbo dil ah, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ila-wareedyo si dhaw ula socday kiiskaas iyo dad goob-joog ka ahaa dhegaysiga Dacwaddaas.
Sida ay sheegeen xogaha uu Wargeyska Himilo ka helay xubno ka tirsan dadkii ka qaybgalay fadhiga koowaad ee dacwadda Arbacadii, maalintii labaad ayaa maanta la filayaa in la dhagaysto sida ay Maxkamadda gobolka Hargeysa u muddaysay Arbacadii, waxaana maanta Maxkamadda la hor-keeni doonaa Markhaatiyo badan oo kiiskaas Markhaati ka ah, ka dib markii Arbacadii dacwadda bilawgeeda lagu dhegaystay eedaynta Xubnaha Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha sharciga u leh ee baadhista ku waday muddada kiiskaas, waxaanay Xeer-ilaalintu ku eedaysay shan qof oo ka tirsan toddoba ruux oo ah eedaysanayaasha kiiskaas loo haysto dil.
“Xeer-ilaalintu fadhigii koowaad ee Maxkamadda ee dhegaysiga dacwadda waxay hor-keentay caddaymo iyo ilaa labaataneeyo Markhaati, markaa waxay Xeer-ilaalintu ku soo eedaysay dil shan qof oo ka mid ah toddobada qof ee kiiska dilka ah ee Ruqiya Siciid Ayaanle, labada kalena waxa lagu soo eedeeyey inay Booliska wax ka qariyeen iyo inay marin-habaabinta baadhista kiiskaas sameeyeen,” Sidaa waxaa yidhi qof ka mid ah dadka goob-joogga ka ahaa fadhiga koowaad ee dhagaysiga Dacwaddaas ee Arbacadii oo Wargeyska Himilo fadhiggaas Maxkamadda ee uu goob-joogga ahaa wax ka weydiiyey.
Sidoo kale, Ruux labaad oo ka mid ahaa dadka ka qaybgalay fadhigga Maxkamaddu ku dhegaysatay Dacwadda ee Arbacadii inna dhaaftay la bilaabay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin, ayaa Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo u sheegay in Maxkamaddu Sabtida maanta u muddaysay fadhiga labaad ee dhegaysiga dacwaddaas, waxaanu yidhi,’ “Dadka Markhaatiyada ah Maxkamaddu waxay ka dhagaysatay laba qof oo keliya ee inta kale dib ayaa laga dhegaysan doonaa, waxaanay Maxkamaddu muddaysay in Sabtida berri (maanta) dhegaysiga labaad ee Dacwaddu bilaabmi doonto.”
Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, ayaa la waayay 24-ka bishii labaad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka, ka dib markii ay Gabadha dilkeeda loo haysto iyada iyo carruurteeda oo lagu magacaabo Muuna ay Ruqiya oo lacag ku lahayd u yeedhay oo ay tidhi soo doono lacagtaadii goor subax ah, sida ay ehellada marxuumaddu u sheegeen warbaahinta, taasoo markii sidaa lagu waayey laga shakiyey in la dilay, ka dibna baadhis toddobaad qaadatay ka dib lagu helay Meydkeeda oo laga soo saaray guriga ay Muuna degganayd oo ku yaalla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka xarunta Horn Cable TV, waxaana kiiskaas loo qabtay illaa tobaneeyo qof, iyada oo inta Maxkamadda loo gudbiyey ay yihiin toddoba ruux oo shan ka tirsani ku eedaysan yihiin inay ka qayb-qaateen dilka Ruqiya.
Dadweynaha reer Somaliland, ayaa u dheg-taagaya waxay noqon doonto natiijada ka soo bixi doonta Dacwadda dadka ku eedaysan dilka Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd Hooyo laba Gabdhood dhashay oo ka shaqaysan jirtay Ganacsiyo kala duwan oo ay ku lahayd magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment