Hargeysa, 23 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Dib-u-Dejinta Axmed Cabdi Kaahin iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland G/Sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Dawladda Ingiriisku dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin loo diiday qaxootinimada Ingiriiska.
Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Gudaha Ingiriiska oo telefishanka Al Jazeera wax ka weydiiyey eedo loogu jeediyey inay dadka magangelyo-doonka loo diiday dib u celiyaan dalalkooda, ayaa sheegay in hawsha dib u celinta dadka ee Somaliland iyo Soomaaliya ay hadda socotay muddo sannad ah, siina wadi doonaan mustaqbalka.
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Md Axmed Cabdi Kaahin oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey jiritaanka arrintan, ayaa sheegay inaanay jirin muwaadiniin Somaliland u dhalatay oo khasab lagaga soo celiyo Ingiriiska, waxaanu yidhi, “Ma jiraan muwaadiniin Somaliland u dhashay oo khasab lagaga soo celiyo Ingiriiska, laakiin waxa jira dad iskood u dalbada in dib loogu soo celiyo Somaliland.”
Wasiirka oo aanu weydiinnay sida ay ku xaqiijiyaan dadka iyagu codsada in dalkooda dib loogu soo celiyo, waxa uu ku jawaabay, “Marka qofku dalbado in Somaliland lagu celiyo ilaa la hubiyo inaan khasab lagu soo celinayn oo qoysaskooda la hadalno ayaa hawshaa la fuliyaa. Ma jiro dad khasab lagu soo celiyo oo Wasaarada Dib-u-dejinta Somaliland aqbasho ama ogtahay,” ayuu yidhi Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland.
Dhinaca kale, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland G/S Maxamed Cali Yuusuf oo isagana aanu wax ka weydiinay jiritaanka arrintan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dad laga soo celiyey soo gaadheen Somaliland, sida dawladda Ingiriisku sheegtay, “Ma jiraan dad laga soo celiyey Ingiriiska oo Somaliland soo gaadhay, waxaan filayaa inay u jeedaan Soomaaliya,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
Waraysiga uu Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dawladda Ingiriisku siiyey telefishanka Al-jazeera, waxa uu sheegay inay wakhtigan ku gudo-jiraan inay dalalkooda dib ugu celinayaan muwaadiniin u kala dhalatay dalalka Somaliland iyo Somaliya.
“Dib u celinta dadka u dhashay Somaliland iyo Soomaaliya way socotay sannadkii u dambeeyey, waxaan qorshaynaynaa inaanu mustaqbalkana sii wadno,” ayuu sarkaalkani u sheegay Al-Jaziira, Isaga oo intaas raaciyey, “Waxaanu si joogto ah dib ugu eegnaa qaabka aan u wadno hawshan, mana sheegi karo waddooyinka aanu marinay dadka la celiyo sababo ammaan awgood,” ayuu yidhi Sarkaalkani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment