Hargeysa (Himilo)-Guddoomiyihii Urur-siyaasadeedkii RAYS, ahna Xubin ka mid ah Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye Xasan Maxamuud Cali (Gafaadhi) ayaa Markii ugu Horraysay Si cad u sheegay inuu u taagan yahay Jagada Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye.
Xasan Gafaadhi ayaa Munaasibad Ballaadhan oo uu ku qabtay Maansoor Hutel Ee Magaalada Hargeysa, oo ay ka soo qayb galeen Aqoonyahano, Salaadiin, Cuqaal, wax-garad, haween, Dhallinyaro iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana uu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay sidii uu calafkiisa uga qaadi lahaa Jagada Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbi-xaakimka.
Xasan Maxamuud Cali (Gaafaadhi), waxa uu sheegay in markii uu Soo gelayey Xisbiga Kulmiye ay isku ogaayeen Guddoonka Xisbiga inuu hankiisa ku soo bandhigo shirweynaha Xisbiga oo muddo badan soo jiitamayey walina aan la caddayn xilliga uu dhici doono, “ waxaan Caddaynayaa inaan u taaganahay Musharaxa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, markii aanu xisbigan soo gallayna waxaan u imi xilli uu xisbiga Shirweyne Foodda ku soo Hayo, waxa aanu ku heshiinay inaanu wixii aanu hunguri qabno Shirweynaha ku muujino.
Shirweynahaasi waxa uu soo socday muddo Sanad iyo dheeraad ah ayuu dib u riixmayey ilaa maantana waxa la marayaa wakhti sanad laba bilood laga taagan yahay xilligi uu ahaa inuu qabsoomi muddadiina aanay ilaa haddana cayinnayn inkastoo aan filayo inay Foodda inagu soo Hayso.” Ayuu yidhi Xasan Goofaadhi.
Mudane Gaafaadhi waxa uu Tilmaamay in sidii uu u sugayey Shirweynaha Xisbiga ay Hogaanka Xisbigu soo Saareen Go’aan uu ku sheegay mid sharci-darro ah oo aan Meesha le’ekayn, waxaana uu yidhi, “Waxay Noqotay in shirweynihii aanu sugaynay ay ku soo Gebogebawdo in Hoggaanka iyo inta ku dhawi intay meel fadhiisato ay yidhaahdaan shanta sano ee soo socotana ha inoo xidhnaado xisbigu, taasina mid aanu filaynay meeshana le’eg sharci ahaana Bannaan ma aha.”
Waxa kale oo uu sheegay gafaadhi in Markii uu go’aanka ah inaan hoggaanka sare ee Xisbiga Tartan lala geli karin uu soo baxay inuu si badheedh ah ugu tegay hormoodka xisbiga, uguna sheegay aragtidiisa ku aadan tallaabada la qaaday, waxaana uu yidhi,
“Annigu haddii aan xasan ahay Habeenkii Go’aankaas la gaadhay subaxnimadeediiba waanu is Aragnay Hoggaanka iyo Guddoomiyaha, waxaana aan ku idhi arrinkaasi waa arrin khalad ah mana qabato meesha, mana raacsani qof ahaana waan ka soo horjeedaa hankaygana waan leeyahay iyana waa kaa aan Maanta la Taaganahay.”
Go’aanka la iskula qaatay inaan tartan lala gelin Hoggaanka Xisbgia Kulmiye, waxa uu Xasan Gaafaadhi ku tilaamay mid kaliya Hindise ah oo aan wax sharci ah oo uu ku arooraa aanay jirin,
“Arrinkaasi Hindisuu ahaa dadka qaar baana Go’aan u haysta Go’aan, Balse Go’aan ma ahee Waa Hindise ay cidi soo Jeedisay waa wax la diidi karo waana wax la yeeli karo laakiin waxa ka xaasil ah sharci uu dhabarka ku hayaa ma jirto.” Ayuu yidhi xasan Gaafaadhi, waxana uu isagoo ka Hadlaya Shirweynaha Xisbiga uu yidhi,
“shirweynuhu waa Hay’ad dastuuri ah oo sharci ah oo leh acmaal sugan oo ay tahay inuu fuliyo, acmaashaasna waxa ka mid ah in la is doorto oo hoggaanka xisbiga iyo Dhismaha xisbiga la isku doorto, golihiisa Dhexe lagu Doorto. Wuuna Taagan yahay cid Baajin kartaana Ma jirto, cid go’aan ka gaadhi kartaa oo Dibadda ku soo Dhamayn kartaana ma jirto, laakiin wixii maalintii Halkaas laga Gaadhay waa Hindise ee yey dadku u Fahmin Go’aan”
Xasan Gaafaadhi ayaa ku adkaystay in Ergooyinka Dhawaan la doonayo inay Hargeysa u yimaadaan shirweynaha Xisbigu ay dooran doonaan hoggaankii xisbiga iyo ciddii gadh-wadeen noqon lahayd, isagoo ku adkaystay in Haddii hore loo go’aamiyey inaan la tartamin aan loo baahnayn in shirweyne La qabto, waxaana uu yidhi,
“Haddii ay Go’aan Tahay Looma Baahna Dadku inuu Ceerigaabo, Laascaanood, Saylac ama inta u dhaxaysa oo laba maalmood laga soo soconayo inay Halkan yimaadaan oo Hindisahaasi Gacanta u taagaan looma baahnaadeen Haddii uu waxaasi Go’aan yahay, laakiin dadku Codkoodii bay leeyihiiin Hoggaankoodii inay Doortaan Bay leeyihiin, sababta ay Shirweynaha u imanayaana waxa weeye inay ku doortaan Hoggaankoodaa Siyaasiga ah muddadaas labada shirweyne u dhaxaysa taasaana ay tahay inay Fusho.”
Waxa uu Xasan Gaafaadhi hoosta ka xariiqay in dooddiisani salka ku hayso arrimo sharci oo ku socdo wax uu xaq u leeyahay, isla-markaana aanu cid gaar ah u soconin, waxaana uu isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,
“Waad ogtihiin oo dadku wada siyaasi buu noqday Arrinkaygana faallo badan baa laga yaabaa in laga bixiyo, dadka qaarkoodna yidhaahdaan muxuu uga jeedaa, waxaana laga yaabaa meelo annigaba iskay weydiinaya in la igu riixo, laakiin arrinkaasi sharciga ayuu ku taagan yahay.”
Xasan Maxamuud Cali waxa uu ku doodayaa inaanu haynin ama gaadhin ujeeddadii uu codkiisii iyo taageerayaashiisaba ugu shubay Xisbiga Kulmiye, isagoo Tilmaamay inaanu jawaab kaafida u haynin dadkii xisbiga tacabka badan geliyey.
“ururkii Rays 90,000 oo cod buu Kulmiye la soo galay, waxaana uu doonayey inuu kaga qaybgalo manaasiibta Xisbiga, dadweynihii musharixiinta ahaa waxa ka soo baxay soddon xubnood saddex boqol iyo siyaadana way ahaayeen, kuwii dhacay ee Hantidoodii iyo xoolahoodii ku bixiyey Xisbiga iyo taageerayaashiiba waxa ay doonayeen inay xisbiga Kulmiye inay ka muuqdaan Xisbiga Kulmiye, Sagaashankooda kun ee Codna ay meel kaga fadhiistaan, tii bayna doonayaan oo aan Maanta u taaganahay, Jawaab ku filanna ma hayo marka ay I yidhaahdaan halkee Baad na dhigtay, jawaab ku fillana ma aha markaan idhaahdo xisbigii waan iska dhex taaganahay.” Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.
Waxa uu Xasan xusay inuu raadinayo xaqii uu lahaa, isla-markaana uu taageerayaashiisa u caddaynayo inay la doonaan oo la raadiyaan wixii ay urur ahaan lahaayeen, isagoo Xisbiga Kulmiyena Farriin u diray, waxana uu yidhi,
“Taageerayaashii xisbiga waxaan ugu jawaabayaa waxaynu doonaynaynaa xilalka uu leeyahay Xisbigu iyo wixii kale ee Soo raacaba waynu u taaganahay, taasaynu isku ognahay, wajiga cusub ee siyaasiga ah ee aynu galnayna waa taas oo waynu u tacab gelaynaa, xisbiga Kulmiyena waxaan leeyahay meel uun banneeya, haddii wuxu idinka idinku filaan waayaan xisbigu Wuu Gudhayaa, waxaana aan leeyahay xisbigu meel ha banneeyo codadkaas meel ha u banneeyo oo anniga iyo ururadii Dalsan iyo rays meel ha u banneeyo, codadkaasina waxa ay wax ku noqonayaan marka meel la banneeyo ee xisbiga wax dheeraadaan ee ay dadkaasi soo galaan Haddii uu Oodnaado oo uu xidhnaado Dadkiisuna waa Koobmayaa.”
Mudane Xasan Gaafaadhi waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhibaatooyinkii ka dhashay Taladii ahayd inaan lala tartamin Hogaanka Xisbiga ee ay ka dhalatay in Ergooyinkii Xisbiga lagu saleeyo Arrimo Reereed, kuwaasoo caqabad ku ah Sharciga Xisbiga, halisna Gelin kara Jiritaankiisa, “Arrinkaas ah in Xisbigu uu xidhnaado oo aan la is dooran waxa uu dhalay in la yihdaahdo ergada shirweynuhuna reero haku timaaddo, waxaana Maanta Hubaal ah in ergada Kulmiye ay u furan tahay in cid waliba fadhiisato, Kii ahaa, kaan ahayn, kii xisbiga Kale ahaa intuba Dhaxal reer Bay Hareeraha ka fadhidaa, waxaana ay Diyaar u tahay inay xisbiga ka mid ahaato, intaba waxa u sharciyeeyey Qaabkaas la yidhi Reeruhu Haku yimaadaan, Qofka aan Xisbiga ahayn ee Ergadiisa ka mid ah ee Shirweynihiisa Fadhidaa wuxuu doonaa buu ka samayn karaa Xisbigana Dani uguma jirto, xisbiguna waxa Xisbi-nimadiisii waxa uu ku soo Ceshan karaa Isagoo Nidaamka iyo Xeerka u dejisan Dastuurka qaranka ee ay wakiilka uga tahay Guddida Diiwaangelintu iyo Xeerka gaarka ah ee Xisbigu uu leeyahay Shuruucda ku taalla in la fuliyo ayaa xisbigu uu wax ku noqon karaa.” Ayuu yidhi Xasan.
Waxa uu Xasan Gaafaadhi Farriin adag u diray Dadka ka qayb gelaya Shirweynaha ee Ergooyinka ah, isagoo ugu baaqay inay Ajandaha ka saaraan Arrinta Kootada Hoggaanka Xisbigu ku go’aansadeen inaan tartan dhicin, waxana uu Ku adkaystay inuu u badheedhay inuu Hankiisa caddaysto, isagoo cidkasta oo han lehna u soo jeediyey inay badka is keenaan, waxaana uu yidhi,
“Dadweynaha Taageera Xisbiga kulmiye ee ah Ergada shirweynihiisa soo Socota waxaan leeyahay arrinkaas Berigii dhaweyd lagu dhawaaqay ee la yidhi ha inoo xidhnaado Xisbigu, sharciga meelna kagama jiro, waxan leeyahay waa inaan ka soo horjeedsataan oo aad ka soo horjeesataan inuu Xataa Noqdo Qodob ka mid ah Ajandaha shirka Lagaga Shirayo ayaan idinku dhiirigelinayaa. Anniguna waan Muujiyey Hankaygii Dad Badan oo sheegay inay musharixiin yihiin-na waa jiraan, qaar badan oo Guuxayaana waa jiraane waxaan leeyahay Haddii ay wax idinkaga xidhnaayeen waa fasax oo anaa fasaxay in la is sharraxee dadku ha isa soo sharraxaan.”
Xasan Maxamuud Cali (Gaafaadhi) ayaa noqonaya Masuulkii ugu horreeyey ee si cad uga horyimaadda Nidaamka Hoggaanka sare ee Xisbiga Kootada loogu Xidhay Kooxda Sanadihii ugu dambaysay Caynkaanka u soo haysay, iyadoo aan la saadaalin Karin Albaaabkan cusub ee Xisbiga ku furay waxa ka dhalan doona iyo Go’aanka ay qaadan doonaan Hoggaanka Xisbigu oo iyagu aan Raalli ka ahayn in Boosaskooda Tartan la geliyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment