“Weli wax xidhiidh arrinkaa ku saabsan nama dhexmarin, balse waa laga yaabaa inaan xidhiidh kala yeelano arrimaha la xidhiidha horumarinta xuquuqal insaanka, xoriyadda saxaafada, xaga amniga gobolka iyo dhinaca arrimaha siyaasadda,”
London, 29 April, 2014 (Himilo)- Ergeyga Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Nicklos Kay, ayaa sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonan Somaliland doorashada la qorsheeyey inay dalkaasi Soomaaliya ka qabsoomi doonaan sannadka 2016.
Danjire Nicholas Kay waxa uu carrabka ku dhuftay doorashooyinka la filayo Somaliland inay ka qabsoomaan sannadka 2015-ka, kuwaas oo uu sheegay inay mashquul ugu filan tahay Somaliland ka-warhaynta doorashada sannadka 2016-ka loo qorsheeyey inay ka dhacaan magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi Soomaaliya.
Mr Kay oo dhawaan la hadlay warbaabinta, waxa kale oo uu ka hadlay doorka Qaramada Midoobay ku leedahay inay kala-shaqaynayaan xukuumadda Somaliland ilaalinta xorriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida saxaafadda, mar la weydiiyey inay ka hadleen Somaliland xayiraadda la saaray Wargeyska Madaxa-bannaan ee Haatuf oo ahaa dhacdadii u dambaysay xad-gudubyo dhinaca xorriyatul-qawlka ah oo lagula kacay warbaahinta dalka qaarkeed.
Ugu horeyn, Mr Nicholas Kay oo la weydiiyey su’aal u dhignayd; “Hadii Somaliland doonayso inay ka go’do Soomaaliya, miyey doorashada dhici doonta sannadka 2016 dalka Soomaaliya saamayn ku yeelan doontaa Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Sidaad ogtahay sannadka 2015 waxa Somaliland ka dhici doona doorasho oo Somaliland waxay ku mashquul sanaan doonta doorashadaa, sida dad badan oo arrimahaa igaga xog-ogaalsan ii sheegeena masuuliyiinta Somaliland waxay ahaan doonaan kuwo ku mashquulsan doorashadaa, markaa waynu arki doonaa waxa dhaca,” ayuu yidhi Mr Kay.
Danjire Kay oo la weydiiyey inuu wax xidhiidh kala yeeshay Somaliland xadhigga laba wargeys ee Haatuf iyo Hubaal ee xukuumaddu xayiraadda saartay, waxa uu ku jawaabay, “Waa muhiim xoriyadda saxaafadu, hadii ay ahaan lahayd Somaliland iyo gobolka dhamaantii. Weli wax xidhiidh arrinkaa ku saabsan nama dhexmarin, balse waa laga yaabaa inaan xidhiidh kala yeelano hadday ahaan lahayd arrimaha la xidhiidha horumarinta xuquuqal insaanka, xoriyadda saxaafada, xaga amniga gobolka iyo dhinaca arrimaha siyaasadda,” ayuu yidhi Danjire Kay.
Hadalka Nicholas Kay, ayaa iftiiminaya inuu jira kulan ay u ballansan yihiin Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska isku xidha hay’adaha ka hawl-gala Somaliya iyo Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan u warramay Wargeyska Himilo, ayaa shaaca ka qaaday inay u ballansan yihiin Danjire Nicholas Kay kulan ku dhexmari doona qaar ka mid ah waddamada deriska ah, si looga wada-hadlo arrimo la xidhiidha wada-shaqaynta xafiiska uu masuulkani Qaramada Midoobay u qaabilsan yahay iyo Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment