Wasiirka Khaarajiga Maxamed Y. Biixi - Wareysi
Sheffield 03 April 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in shacabka magaalada Sheffield iyo Somaliland wadaagaan taariikh iyo halgan muddo qarniyo hortood soo bilaabmay, isla markaana ay Sheffield tahay qeyb ka mid ah Somaliland.
Md Biixi oo u warramay Idaacadda BBC xafiiskeeda magaalada Sheffield ka dib ansixinta mooshinkii madaxbanaanida Somaliland, ayaa ugu horreyn ka hadlay dareenka ay xukuumad ahaan ku soo dhawaynayeen go’aankan, waxaanu yidhi, “Horta maanta (shalay) waxa u soo hoyatay Somaliland guul weyn oo la xidhiidha qadiyadeeda madaxbanaanida. Marka xiga, Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay xukuumada Ingiriiska sannadkii 1960-kii, shan maalmood markii ay madaxbanaani haysteen ayey si bilaa shuruud ah ula midowday Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray. Halgan dheer oo shacabku la galeen rajiimkii Siyaad barre, ka dib waxay xornimadoodii dib ula soo noqdeen 1999-kii.
Somaliland way buuxisay dhamaan shuruudahii looga baahnaa dal dimoqraadi ah, maantana munaasibadan waxay u tahay guul u soo hoyatay shacabka Somaliland hadii golaha deegaanka Sheffield aqoonsadeen madaxbanaanida Somaliland, golleyaasha kalena way ku dayan doonaan.”
Wasiirka oo la weydiiyey isbeddelka aqoonsiga golaha Deegaanka Sheffield ku keenayo madaxbanaani Somaliland caalamka ka raadinayso, waxa uu ku jawaabay, “Talaabadani waxay dhiirigelinaysaa golleyaasha kale, xukuumadaha iyo guud ahaan beesha caalamka inay aqoonsadaan madaxbanaanida Somaliland, maadama ilaa la soo noqoshadii xornimada 1999-kii Somaliland loola dhaqmayey sidii dal jira, inkastoo aqoonsi caalami aanan haysan. Waa talaabadii u horeysay sidii Somaliland u noqon lahayd wadan beesha caalamka la siman. Waan ku farxsan nahay in golaha Sheffield dareemaan xaqa aanu u leenahay go’aan ka gaadhista masiirkayaga.”
Md Biixi oo la weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Dad badan oo Sheffiled deggan ayaa isweydiinaya waa maxay sababta golahani ugu qaaday tallaabo qadiyadda waddan kumanaan kilomitir masaafo gaadhaysa u dhexeyso, maxaad odhan lahayd?, waxa uu ku jawaabay, “Jaaliyadda Somaliland waxay deganaayeen Sheffield muddo qarniyo ah, waxay ka soo barbar-dagaalameen ciidamadii Ingiriiska dagaalkii koowaad iyo kii labaad e edunida, waxaan wadaagnaa taariikh iyo halgan muddo qarniyo hortood soo bilaabmay, markaa waxaan u aragnaa in magaalada Sheffield tahay qeyb naga mid ah, annaguna nahay qeyb ka mid ah,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment