Wednesday, April 2, 2014

Xildhibaan Maroof oo HIMILO uga Warramay Qaabkii uu u maray iyo Rejada uu ka qabo Ansixinta Mooshinka Aqoonsiga Somaliland oo Dooddiisu Maanta laysku soo hor-fadhiisanayo




Lixdan Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka Ingiriiska oo Maanta taageeraya Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland


 “Maanta waxaan ku kalsoonahay in qaraarkan la ansaxin doono, taasoo ka dhigaysa markii ugu horeysay golaha deegaanka Sheffield ansixiyo qaraar..” - Xildhibaan Mohammad Maroof.


 Sheffield, 02 April, 2014 (Himilo)- Golaha Deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, ayaa fadhi ay maanta u fadhisanayaan lagaga doodayaa mooshin ku saabsan sidii dawladda Ingiriiska loogu cadaadin lahaa Aqoonsiga Somaliland, waxaana kulankaas kala qayb-galaya Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Macdanta & biyaha Somaliland oo shalay gaadhay dalkaasi Ingriiiska.


Xildhibaan Mohammad MaroofXildhibaan Mohammad Maroof oo ka tirsan Golaha Deegaanka magaaladas isla markaana diyaariyey Mooshinka ay maanta ka doodayaan golihiisa oo lagu wado in loo gudbiyo baarlamanka dalkaas, ayaa hoosta ka xariiqay in baadi-doonka qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo culayska ay ku saarayaan Xukuumada Ingiriiska  uu sii xoogaysanayo.


Xildhibaan Mr. Maroof oo golaha deegaanka magaalada Sheffield ugu jira xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, ayaa caddeeyey inuu ku kalsoon yahay ansixinta qaraarka aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland ee maanta laga doodi doono fadhi golaha Sheffield yeelanayo, ka dibna culays ku saari doonaan Lix mudane oo magaalada Sheffield ugu jira baarlamaanka Ingiriiska siddii xukuumadda Ingiriisku u ictiraafi lahayd Somaliland.


Xildhibaan Mr. Maroof oo khadka telefonka ugu warramay Wariye Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan Bahda Himilo Media Group, ayaa sheegay in tirada xildhibaanada xisbigooda Shaqaalaha ugu jira Golaha deegaanka Sheffield oo gaadhaya lixdan ay ku filan yihiin ansixinta qaraarka maanta, hadday xataa waayaan taageerada xildhibaanada xisbiyada kale.


Doodda golaha deegaanka Sheffield maanta ka yeelan doono ictiraafka Somaliland oo ay sidoo kale ka qayb-galayaan Wasiirka Ganacsiga, guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland iyo jaaliyadda ee deggan dalka oo u dheg-taagaya natiijada ka soo baxda.


Waraysiga Wariye Walaaleeyey la yeeshay Xildhibaan Maxamed Maroof, ayaa u dhacay sidan:


S: Ugu horeyn, siduu ku yimi hindisaha qaraarkani, khibrad intee le’eg ayaad u leedahay siyaasada Somaliland?


Waxaan ka mid ahay xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Sheffiled loo doortay sannadkii 2010, goob-doorashada layga codeeyey waxa ku nool kumanaan jaaliyad Somaliland ah, markaa jaaliyada oo si weyn ugu ololeeya ictiraafka Somaliland ayaa iga codsaday inaan taageero ka geysto. Waxaan ku faraxsanahay in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo laga soo doorto Sheffield Paul Blomfield uu ku jiro ololahan, waxaanu ka tirsan yahay saaxiibada Somaliland, waxa jira xubin kaloo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska lagana soo doorto magaalada Sheffield oo u ololeeya qadiyadda Somaliland, markaa codsigii jaaliyada Somaliland ee degan Sheffield anigoo la kaashanaya saaxiibadayda xisbiga Shaqaalaha ee golaha deegaanka Sheffield, waxaan ku guulaysanay in qaraarkan qabyada ah lagu daro ajandaha maanta laga doodi doono, ka dibna cod la gelin doono ansixintiisa, taasoo aan ku kalsoonahay in la ansixindoono. Ansixinta qaraarkani waxay noqon doonta guul weyn oo Somaliland u soo hoyatay, guul weyn oo xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska u soo hoyatay, iyo mid anniga xildhibaan ahaan ii soo hoyatay, markaan maanta fulino ballankaan isku ogeyn bulshada ii codeysa. Dhinaca khibarad aan Somaliland u leeyahay, annigu waxaan daneynayaa hadafka cod-bixiyeyaashayda, oo boqolkiiba 99% ka soo jeedaan Somaliland, cod keliyana ku dalbanaya aqoonsi dalkoodu helo, waana sababta aniga iyo saaxiibadayda isku xisbiga nahay ugu ololeynayno sidii xukuumada Ingiriiska iyo beesha caalamku ugu huri lahayd aqoonsiga Somaliland u qalanto.


S: Waxaa sidee saadaashaada la xidhiidha ansixinta qaraarkan iyo taageerada aad ka filayso in xildhibaanda kale u huraan?


Saadaashaydu waa maadama xildhibaanada aan isku xisbiga nahay ee golahu yihiin lixdan, waxaan dhamaantood isku ognahay sidii mooshinkaasi loogu ansixin lahaa maanta, sidoo kale waxaan rajaynayaa in xildhibaanada xisbiyada kale laftoodu u codeyn doonaan. Xitaa hadaan weyno taageerada xisbiyada kale, waan ku filan nahay inaan ka ansaxino golaha, marka golahu ansixiyana waxuu noqonayaa siyaasad baarlamaanka golaha Sheffield ku shaqeyn doono sidii Somaliland ictiraaf u heli lahayd, waxaan sidoo kale culays ku saari doonaa xildhibaanada ku jira baarlamaanka Ingiriiska ee laga doorto magaalada Sheffield oo tiradoodu lix tahay sidii xukuumada Ingiriisku u qaadi lahayd talaabo ay ku aqoonsato Somaliland. Markaa maanta waxaan ku kalsoonahay in qaraarkan la ansaxin doono, taasoo ka dhigaysa markii ugu horeysay golaha deegaanka Sheffield ansixiyo qaraar lagu aqoonsado madaxbanaanida Somaliland taariikhda goleyaasha degaanada Ingiriiska. Isla markaana u noqon doono horseed dhamaan goleyaasha deegaanada kale sidii ay u qaadi lahaayeen talaabo la mid ah in xukuumada Ingiriisku aqoonsato madaxbanaanida Somaliland.


S: Marka qaraarkan la ansaxiyo, waa maxay qaynuunka sharci ee uu yeelan doono marka loo eego baarlamaanka Ingiriiska?


Ma jiro qaanuuniyan sharci uu ku yeelan doono baarlamaanka Ingiriiska, si kasta, marka golaha Sheffield ansixiyo waa siyaasada uu ku dhaqmi doono, taageerada madaxbanaani Somaliland hesho. Talaabadani waxay culays weyn ku biirin doontaa qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland,  waxaan qaadi doonaa talaabooyin aan taageero ugu helo guud ahaan Ingiriiska, waxaanan gaadhi doonaa, inkastoo aanan sheegi karin maalin xukuumada Ingiriisku aqoonsato madaxbanaanida Somaliland. Waxan qabaa in qadiyada helitaanka madaxbanaanidu xoogeysatay, culayska xukuumada Ingiriiska ka soo waajahaya aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland kordhayo.


S: Waa maxay talada aad u jeedinayso bulshada Somaliland guud ahaan iyo jaaliyadaha qurba-jooga gaar ahaan, ee ku saabsan dardargelinta qadiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland?


Taladaydu waa ugu horeyn, waxaan u sheegayaa in anniga iyo saaxiibadayda isku xisbiga nahay ee golaha deegaanka Sheffield garab-taagan nahay, waxaa sidoo kale sharaf noo ah in xildhibaano kaloo ku jira baarlamaanka Ingiriisku nala shaqeynayaan, jaaliyada Somaliland ee degan Sheffield iyo xubno ka mid ah madaxda Somaliland nala joogaan halkan, oo nala shaqeynayaan. Waxaan la mataanayn doonaa Sheffield magaalooyinka Somaliland midkood, isla markaana dhiso doonaa iskaashi labada magaalo iyo labada dal dhexmara, iyo sidii dhinacyo bdan isaga caawin lahaayeen. Maxaa yeelay codadkayga dalka waxa ku jira boqol kun iyo dheeraad codeeyaal dhawaaq isku mid ah ku doonaya sidii dalkoodu ictiraaf caalamka uga heli lahaa, oo badhaahde u gaadhi lahaa.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment