Monday, May 12, 2014

Beel-weynta Uu Ka Soo Jeedo Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Oo Baaq Aanay U Kala Hadhin u Dirtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:May,12,2014 (Himilo)-Madax-dhaqameedka, Haweenka Aqoonyahanada, Salaadiinta, Dhallinyarada iyo Waxgaradka Beesha Reer Gadiid(Sacad-muuse) ayaa si kulul u Cambaareysay Xadhigii lagula kacay Guddoomiyaha wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi gaboobe iyo Tifatiraha wargeyskaasi Axmed Cali Xige oo Maalintii sabtiidii ee todobaadkan Maxkamada Gobolka Hargeysa ay ruman u dirtay.

gadiiidWaxgaradkan oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Xara fee Magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in Masuuliyiintaas Xorriyadoodii loo soo celiyo.

Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli oo shirkaasi jaraa’id ka akhriyey Qoraal dheer oo ay ku saxeexanayeen in ka baddan 50 Madax-dhaqameed oo ay ku dalbanayaan in xoriyadooda loo soo Celiyo Suxufiyiintasi, ayaa udhignaa sidan.

"Anagoo ah waxgaradka, odayaasha, Cuqaasha, Culumada, Qurba-jooga Ragga iyo haweenba ee Beelweynta Reer Gadiid, Anaga oo Ixtiraamayna Shuruucda Dalka ka jirta iyo dhawrista Qaranimada Somaliland, Anaga oo Ixtiramayna Daris wanaaga beelaha kale.

Markaanu darisnay xeerarka saxaafada ee ee ay ansixiyeen Golaha xeer dajinta, oo si cad u tilmaamaya habdhaqanka anshax ka xayuubinta saxafiga, iyada si cad loogu badheedhay oo cadaawad ah in lagu tunto sharafta iyo milgaha saxafiga, iyada oo ahayd in la ilaaliyo xeerka saxaafadda, markaanu darisnay xeer ciqaabaeedka somaliyeed ee loo adeegsaday qodobadan.

1.287 XCG oo leh eedeyn been ah

2.328 XGG oo leh dacaayad ka soo horjeeda oo lidi ku ah waddanka.

3. 328XCG oo leh daabacda ama fidinta wararka beenta oo khalkhal galinaya daganaashaha dadweynaha.

4. 269,(2) XCG oo leh Aflagaado loo geystay laan-siyaasi ah ama Maamul ama Garsoor ah.

5. 269 qodobka labbaad oo leh ciqaab la mid ah ayaa loo cuskan doona cida adeegsata isgaadhsiinta toos ah, ama qoraal ah, ama sawiro la gaadhsiiyo kooxdaasi ama wakiiladooda.

Hadaba xeerkani ma ah kii loo adeegsan lahaa xeerka Saxaafada waana cadaalad darro qaawan taasi.

Markaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaaci xaq uu u lahaa muwaadinku iyad aoo loo diiday Loyaradiisi u hadlayey sida ay noo cadeeyen.

Markaanu ogaanay in lagu xidhay qolka shabaga ah ee loogu tallo galay Argagixisada, isaga oo aan gayin oo xaq u lahaa in uu si xor ah uu isku difaaco, taana uu wayey xoriyatul qawlkii uu xaq u lahaa.

Markaanu eegnay xaaladiisa Caafimad oo aan wanaagsanayn muwaadinkan, laguna xadgudbay hantidiisa, xoriyadiisa iyo caafimadkiisa.

Markaanu ka baarandegnay xaqdarada taagan ee si qoto dheerna u lafo gurney, waxaanu Cambaareynaynaa Xadhiga Xaqdarada ah ee iyo xiiniyo-taabadka ah ee lagu waxyeeleyey.

1.      Jiritaanka xeerka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer-dajinta sida xeerka saxaafada ee la laalay.

2.      Waxaanu cambaareynaynaa oo aanu ka soo horjeedna xadhiga afduubka ah ee lagula kacay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatirihiisa.

3.      Haaddii la ilaalin waayo xeerka iyo milgaha muwaadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badhedheysa ee awoodeeda sharciga ku baabi’inaysa.

4.Waxaanu cod dheer ku leenahay, ugu danbeyn in xoriyadiisa lkoo soo celiyo guddoomiyaha haatuf iyo Tifatirihiisa xaq darad aku xidhan, waana in magdhaw iyo raaligalin laga bixiyaa arrintan foosha xun.

Dhanka kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Sahra Maxamud Cali oo ku hadlaysay afka Haweenka ayaa iyaduna si kulul u cambaareysay xadhiga Suxufiyiinta Haatuf waxayna xukumada Somaliland ugu baaqday in sida ugu dhakhsaha badan ay xoriyaddooda ugu soo celiyaan Suxufiyiintaasi.

Labadan saxafi ayey Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xabsiga u Taxaabtay Maalintii Sabtidii, waxana ay haatan xidhan yihiin muddo kusiman Saddex Cisho.

 

Himilo

Hargeysa/Desk

No comments:

Post a Comment