“Sumaddii iyo waddadii ay iyagu keeneen baa haysata, waa inay aqbalaan inta madaxweynuhu joogo isna inaanay cidi la tartamin” – Boqor Buur-madow
Hargeysa, 25 May, 2014 (Himilo)- Boqor Cismaan Buur-madow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa dhaliilay ay hoggaanka Kulmiye u daadihinayaan maamulka iyo habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxaanu ku eedeeyey horseed ka yihiin khilaafka iyo waxa uu ugu yeedhay sharci-darro ay xisbiga dimuqraadiyaddiisa ku baabiyeen.
Boqor Cismaan Buur waxa uu u soo jeediyey guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xisbiga Kulmiye inay aqbalaan inaanay madaxweyne Siilaanyo inaanay cidi kula tartamin murashaxnimada Xisbiga ee doorashada maadaama iyagana loo ogolaaday inaanay cidi kula tartamin hoggaanka Xisbiga ee lagu doortay shirweynihii saddexaad ee dabayaaqadii bishii hore ku qabsoomay magaalada Hargeysa.
Waan ka xumahay in xisbiga wax dimuqraadiyaddiisa wax yeeli kara ay ku timaaddo. Aniga oo aan cidka garabka saarayn waxaan odhan karaa xisbiga majarihiisa cidda habaabisay waa shir-guddoonka. Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo ragga la jooga, ayaa xisbiga dimuqraadiyadiyaddiisa adhaxda ka jabiyey oo halkaa gaadhsiiyey. Nabarradii la gaadhsiiyey Ina Cabdiqaadir waxay mushkiladdaas u samaynayeen inaan xisbiga gudihiisa lagu tartamin. Muuse Biixi waxa uu ku dagaalamay inaanu xisbiga gudihiisa iska soo sharraxin ninka la yidhaahdo Cabdicasiis Samaale. Maxamed Kaahin wuxuu shalay ku dagaalamay oo dawladda cadaadiska lagu saariyey markii Xasan Gaafaadhi loo yeedhay inaanuu xisbiga Iska sharrixin. Maadaama ay iyagu keeneen in cid meesha joogtaa aanay isa soo sharrixin, markaa waxaan leeyahay sumaddii iyo waddadii ay iyagu keeneen baa haysata, waa inay aqbalaan inta madaxweynuhu joogo isna inaanay cidi la tartamin,” sidaas waxa yidhi Boqor Cismaan Buur-madow oo u warramay Caynabanews.
Boqor Buurmadow oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiskii u dhexeeyey madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye, waxa uu ku jawaabay, “Anigu shirkaas goob-joog maan joogin, laakiin raggii joogay markaan waraystay, Muuse Biixi iyo rag uu watay waa lala shiray oo waxa la yidhi Odaygu markuu dhammaysto labadii teeram in lagu wareejinayo, taasna iyagaa ka deg-degay baan qabaa oo wixii lagu ballamay burburinaya,” ayuu yidhi.
Boqor Cismaan oo u muuqday inay taageerada siyaaddiisu u jan-jeedho dhinaca xukuumadda, ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Saadaasha mustabaq ee Xisbiga Kulmiye waxa uu kula talinayo hoggaanka xisbiga iyo xukuumaddiisa, waxa uu yidhi, “Marka gar laga hadlayo xisbiga halkii ay mariyeen cidii waddada ka baydha qadaadka in la qabto oo adhaxda laga jabiyo, waddadii uunbuu marayaa baan aaminsanahay,” ayuu yidhi, isaga oo intaas raaciyey, “Siilaanyo iyo ragga la taliya haddii ay waddo kale maraan, waxay noqonaysaa intaan doorasho ba la gaadhin inay deg-deg talada u wareejiyaan. Qoladana maanta haddii adhaxda laga jabiyo iyo haddii la waxeelleeyaba, waddaday iyagu jeexeen ee ay dadka ku jideeyeen ayaa haysata. Waxaan odhan lahaa, haddii aad dimuqraadiyaddii xisbiga burburiseen,” ayuu Boqor Buur-madow oo sidoo kale waraysigiisa kaga hadlay madax-dhaqameedkii Somaliya ee dhowaan safarka ku yimi Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment