Muraara-dillaaca oo Cali Khaliif ka yeedhsiiyey weedho aan hore looga baran
Buuhoodle, 07, May, 2014-(Himilo)- Dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh oo u muuqda inuu ku saaqiday Siyaasaddii uu sheegan jiray inuu u ban-baxay, ayaa Calaacal iyo Muraaraddillaac kula dhex-dhacay dadka reer Buuhoodle, ka dib markii uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) saamayn xooggan ku yeeshay wax ugu muuqday Galaydh inuu taageero ku haysto Buuhoodle oo is-beddeshay markii uu Wasiir Xaglo-toosiye magaaladaas si diirran loogu soo dhaweeyey, kulammo kala duwanna uu la yeeshay qaybaha Bulshada ee heer gobol.
Cali Khaliif Galaydh oo ay ka qaylisiisay saamaynta taban ee Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye oo nabad iyo mashaariic horumarineed la tegay Buuhoodle ku yeeshay Siyaasaddii Galaydh oo madhalays inay noqotay wakhtigan u muuqata, dadka reer Buuhoodlena intooda badan ay muujijyeen siday uga niyad-jabeen kaadhka uu Jeebka ku sito ee uu ku kala fogeynayo bulshada Walaalaha ah ee reer Somaliland, sida ka muuqatay qaabbilaaddii iyo soo-dhawayntii ay u muujiyeen Wasiirka.
Haddaba, Cali Khaliif Galaydh oo ka gadoodsan tegitaanka Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee magaalada Buuhodle iyo dareenka iyo jewiga uu kala kulmay reer Buuhoodle, ayaa isaguna shalay calaacal iyo muraaraddillaac, aflagaaddo iyo Habaar kula dhex-dhacay Buuhoodle, isla markaana halkaas kaga dhawaaqay erayo uu ku habaarayo Somaliland iyo kuwo uu ku aflagaaddaynayo Wasiir Xaglo-toosiye, ka dib markii uu hadal kooban u jeediyey dad kooban oo isugu soo baxay meel suuq dhexdii ah oo uu socod aan dheerayn ku dhex-maray Galaydh iyo xubno la socday.
“Guul baynu gaadhi doonnaa, dalkeennaan dhisan doonnaa, nabad baan ku noolaan doonnaa, Carruurteennaan mustaqbal u samaynaynaa. Halgankeenna iyo qaddiyaddeennuba waa xaq, waa sax, Diinta Islaamkaa na faraysa, Diinta Gaaladaa nafaraysa, ta Yuhuudda ayaa na faraysa, Ibna-aadiminnimada oo dhan baa meel uga soo wada jeedda Qaddiyaddeenna. Qaddiyaddeenna Ciddii ka hadha ee Baska ka hadha a iyagaa Cirka Roob ku og, meeshay aadayaan-ba ha aadaan,” sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh, oo niyad-jabka laftiisa ka muuqday laga dheehan karayey wejigiisa.
Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku andocooday in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ay Buuhoodle ku soo dhaweeyeen niman uu sheegay inay taageeri jireen Maamul-goboleedka Puntland oo uu xusay inay magaalada kaga soo baxeen waannu celinaynaa, ballse gelbiyey duleedka soke ee Buuhoodle illaa gudaha magaaladaas. Isaga oo ku dooday in sababta uu Buuhoodle u tegay Xaglo-toosiye tahay inuu carqaladeeyo Shir uu sheegay inay ku qabsanayaan degmada Taleex ee gobolka Sool.
“Annagu sidaanu u aragno Xaglo-toosiye wuxuu Buuhoodle u yimid inuu carqaladeeyo shirka lagu qabanayo Taleex oo aan la tagin, waana arrin Somaliland iyo Puntland ay wallaalo ka yihiin,” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh, waxaanu ku andocooday oo uu intaa ku daray inay diyaariyeen Ergooyinkii, waxa uu ugu yeedhay Shirka Khaatumo ee uu sheegay in Taleex lagu qabanayo, ka qaybgeli lahaa iyo sidoo kale Ciidammo uu sheegay inay difaaci doonaan Taleex oo uu tilmaamay inay Ergada Shirka ka raaci doonaan Buuhoodle oo ay ku diyaarsadeen sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku cel-celiyey Erayo calaacal ah oo ay ka mid ahaayeen Somaliland ha dhacdo iyo daba-dhilifku ha dhaco oo koox dad ah oo goob ku urursanina kaga daba-dhawaaqayeen, weedhahaas oo ay ka keentay saamaynta uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku yeeshay deegaankaas iyo dadka ku dhaqan, isagoo Dr. Xaglo-toosiye kasbaday badi quluubta reer Buuhoodle, isla markaana ay si diirran u soo dhaweeyeen horumarinta adeegyada Bulshada ee ay dawladda Somaliland ka hirgelinayso inta badan Buuhoodle iyo deegaannada hoos-taga oo uu mashaariicdaa qaarkood dhagax-dhigay Wasiirku.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxa uu shalay kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladaha iyo adeegyada dhinaca Caafimaadka ku sameeyey goobaha Caafimaad ee Buuhoodle, kuwaas oo uu kormeerkiisa ku maray, isla markaana Warbixinno kaga dhegaysanayey Masuuliyiinta iyo Dhakhaatiirta ka hawlgala wakhtiga uu calaacalka magaalada kula dhex-dhacayey Cali Khaliif.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment