Masuuliyiintan ayaa kala Ahaa wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wasiirka Wasaaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.Waxa kale oo isaguna Dacwaddaas ka qayb galay Baashe Cawil oo ah Wiil uu madaxweyne Siilaanyo Soddog u yahay, isla-markaana dhibane ka ah Dacwadda lagu soo Oogay Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee Haatan xidhan.
Dacwadda ayaa dhegaysigeedu markii ugu horraysay Saaka Bilaabmay, waxana Garsoorihii Dacwadda Gacanta ku Hayey uu Halkaas ku dhegaystay Dacwadaha ay qabaan Masuuliyiinta Dawladda ka tirsan ee dhibanayaasha ahi iyo waliba Doodaha ay wataan Masuuliyiiinta Haatuf oo ahaa Eedaysanayaal.
Dacwadda ayaa Xarunta Maxkamadda ka socotay Muddo Afar Saac ku dhaw, waxana Halkaas lagu dhegaystay Dacwadaha dhibanayaasha iyo Doodaha Eedaysanayaasha, iyadoo ay sidoo kale Dacwadda qayb ka ahaayeen Qareeno u doodayey Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf.
Inkastoo aanay saxaafadda Madaxa Bannaani Gudaha u gelin Maxkamadda iyo Goobta Dacwaddu ka socotay, haddana waxa jira warar sheegaya in Labada wasiir iyo Muwaadin Baashe Cawil-ba ay halkaas ka sheegeen eedaha ay Wargeyska Haatuf u Haystaan, isla-markaana ka jawaabeen Su’aalo Garsoorihii kiiskan gacanta ku hayey iyo Qareenada Eedaysanayaashuba weydiiyeen.
Maxkamada ayaa markii dambe amartay In masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Rumaan Toddoba cisho ah loo diro, iyadoo dacwadda Dhegaysigeedu sii Socon Doono Ayaamaha Foodda Inagu Soo Haya.
Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ayaa ku eedaysan Eedo kala duwan oo ay ka sheegeen Masuuliyiin qaranka xilal ka haya iyo Muwaadiniin aan wax xil ah Haynin, waxana hore amar maxkamadeed loogu xayiray Xaruntii wargeyska oo ilaa iyo Hadda ay ciidamo Boolis ahi haystaan.
Hargeysa
Himilo Desk
No comments:
Post a Comment