Tuesday, May 6, 2014

Diyaarad fadhiisatay Garoonka Heathrow oo lagu daad-gureeyey Cusbitaal ku yaala London




London, 06 May, 2014 (Himilo)- Lixdan carruur ah oo la socday diyaarad fadhiisatay garoonka Heathrow ee magaalada London, ayaa loo fidiyey gar-gaar deg-deg ah, ka dib markii ay sumoobeen intii ay ku jireen duullimaadka.


Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 14, ayaa sida la sheegay ka soo laabtay bandhig ay kaga qayb-qaateen dalka Koonfur Afrika,  ayaa bilaabay hunqaaco xilli hawada ku jirtay diyaaradii ay la socdeen.


11 ka tirsan Carruurtan ayaa loola carraray cusbitaalka Hiilington ee Woqooyiga magaalada London, halkaas oo gar-gaar caafimaad loogu fidiyey carruurtan.


Afhayeen u hadlay xarunta gargaarka degdega ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey xanuunka caruur la socotay duulimaad soo gaadhay garoonka Heathrow, ka dibna afar gawaadhiga ambulance iyo shaqaale caafimaad ayaan u dirnay goobta.


jim_5_5_14_heathrow01.JPG“Tiro gaadhaysa lixdan caruur ah oo da’doodu u dhexeyso 10 ila a14 jir ayaa gargaar degdeg loogu sameeyey garoonka, halka 11 loo gudbiyey cusbitaal sababo la xidhiidha fuuq-bax iyo hunqaaco,”


Ilaa haatan lama xaqiijiyey sababta dhabta ah ee keentay sumowga ku dhacay carruurtan, balse Shaqaalaha caafimaadka degdega ayaa la sheegay inay muddo gaadhaysa laba saacadood ku hawlanaayeen daaweynta carruurta.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland 

No comments:

Post a Comment