Saturday, May 31, 2014

Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay In Garabka Madaxweynuhu Ku Qanceen Dib-u-dhigista Shirweynihii ay Berri U Ballansanaayeen

Hargeysa:May,31,2014(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddooyinkan dambe ku Hawllanaa Waan-waan uu  ka dhex waday Garabyada is Haya ee Kulmiye, ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Garabka Madaxweyne Siilaanyo-na si rasmi ah u aqbaleen dib u dhigista Shirweynihii Maalinta Berri ah u ballansanaayeen.

salaeebaan Guddoomiye Saleebaan oo aan ka nasan ka midho dhalinta Hawshaan ayaa ugu dambayntii ku guulaystay inuu ku qanciyo Garabka Madaxweynaha inay dibb u dhigaan Shirka Berrito la filayey, isagoo dhinaca Muuse Biixi-na maalintii shalay ku qanciyey inay hawlahooda dib u  dhigaan,

 

“waxanu idiinku yeedhnay inaanu idin gaadhsiino inaanu dhinacii madaxweynuhu hogaaminayey aanu is aragnay, Hawsha intii  qabyada naga ahaydna ay noo dhamaystirantay oo ay aqbaleen shirkii berri qabsoomi lahaana inay dib u dhigtaan, Arrintiina Guurtida inay u dhiibaan oo ogolaansho iyo Niyadsami noogu dhiibeen isla-markaana ay aqbaleen inaanu arrinta gudo galno oo dhexdhexaadino, qoladii shalayna waw mahadnaqaynaa, waxa aynu wada Wadnaana waa Danta Qaranka.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Guddoomiyaha ayaa shacabka Somaliland u soo jeediyey inay danahooda ilaashadaan oo  aanay si dhib yar ugu dhex milmin muranka siyaasadda ee jira, waxana uu ugu baaqay inay Nabadda dhawraan.

Guddoomiyaha Guurtida iyo Xubnaha kale ee Dhexdhexaadinta ku Hawllan ayaa laga filayaa inay Maalmaha soo socda si  rasmi ah u gudo galaan sidii ay xididdada ugu siibi lahaayeen Muranka kala dhaantalay waaxyaha Xisbiga Kulmiye oo Haatan Hoggaamiya Somaliland.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment