Monday, May 12, 2014

Hablihii ay Boka Haram Haysteen Oo Muuqaalkooda la Soo Bandhigay iyo Codsi Hoggaamiyahaa Kooxdu Diray

Abuja:May,12,2014(Himilo)-Kooxaha Dagaalada ba’an kula jira Dawladda Nigeria ee Gacanta ku haya  Hablaha Ardayda ah ee ay afduubka u haystaan ayaa soo badhigay Hablahaas oo akhriyaya qur’aanka kariimka ah.

bokaKooxahan ayaa warbaahinta siiyey Muuqaal ay ku jiraan Hablihii ay afduubeen oo loo xidhay xijaabka, kuwaas oo  si wada jira ah hal mar u wada akhriyaya qur’aanka oo ay sheegeen inay barayeen muddadii ay gacanta ku hayeen.

 

Hoggaamiyaha Ururka Boka  Haram Abubakar Shekau, ayaa tilmaamay inay Hablahaas sii dayn doonaan Marka xukuumadda Nijeria ay sii dayso Rag ka tirsan Ururkaas oo  gacantooda ku jira.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Muddadii ay hablahaas gacanta ku hayeen ay muslimiyeen intii aan hore diinta islaamka u haysanin, isla haatanna ay yihiin muslim buuxa.

Hablahan ayaa laga afduubay muddo bilk a hor ah Iskuul la seexdo oo ku yaalla  Chibok oo ku taalla dhinaca waqooyi ee Dalka Nigeria.

Muuqaalkan ayaa noqonayaa midkii ugu horreeyey ee  hablahaas laga helo tan iyo intii ay Gacanta kooxdan ku dhaceen.

Himilo

Hargeysa/Desk

 

No comments:

Post a Comment