Thursday, May 1, 2014

Itoobiya oo Biyo-saafi ah ugu daraysa Adeegga Korontada ay siiyaan Jabuuti




Jabuuti, 01 May, 2014 (Himilo)- Dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay dhuumo biyaha nadiifta ah ee la cabo ah  u gudbin doonaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida uu xaqiijiyey Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Itoobiya xaqiijiyey, taas oo labaynaysa adeegga korontada ee Itoobiya hore ugu dhoofin jirtay dalkaas.


ethiopia-water-wellHirgelinta Mashruucan, ayaa la sheegay inay labada waddan heshiis ka gaadheen sannadkii 2013-kii wakhtigaas oo saraakiil labada dhinaca ka kala tirsani arrintan ka wada hadleen.


"Shirkad Switzerland ah iyo dublamaasiyiin Kuwait ah ayaa nala soo xidhiidhay, waxaanay booqanayaan Jabuuti si ay wada xaajood dheeraad ah ula yeeshaan," sidaas oo yidhi safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Maxamed Idiris oo u warramay wakaalada wararka  Anadolus Agency.


Wefdi ka socda shirkadda Mai Resources International iyo saraakiil ka socda dalka Kuwait ayaa la sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome iyo wasiirka Biyaha Alemayehu Tegenu, isla markaana ka wada-hadleen hirgelinta qorshaha mashruucan.


"Mashruucani saamayn kuma laha biyaha webiga Niil, mashruucan waxa laga samaynayaa Beriga Itoobiya, masaafo gaadhaysa 1,165km ayuu ka fog yahay biyaha webiga Nile," sidaa waxa lagu sheegay qoraal kooban oo ka baxay safaaradda dalka Kuwait ku yeelahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.


Mashruucan biyaha nadiifta ah loogu dhoofinayo Jabuuti, ayaa la filayaa in laga soo jiido magaalada Adigala oo ku taal Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, sida uu sheegay safiirka Jabuuti.


Sida heshiiskaasi dhigayo, Jabuuti ayaa soo dhigi doonta masaafo gaadhaysa 70 km dhuumaha biyaha ka soo qaadi doona magaalada  Adigala ilaa ay soo gaadhsiin doonaan Xuduudka ay la wadaagaan Itoobiya.


                                                                


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment