Aan Salaamo dhamaan akhristayaasha Sharafta iyo qadarinta leh oo marlabaad aan ku soo dhaweeyo maqaal kamid ah Qoraalkaygii aan ku soo gudbin jiray falanqaynta xaalada taagan, oo aan ku soo dhawaano qoraal kooban oo ka hadlaya khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga talada dalka ahaye ee Kulmiye, Oo aan dhigno khilaafkan meelaha runta ah ee uu taabanayo.
“Goblan talo aduunyooy
Nina tii magaadhee
galdalolo hoosiyo
Gabad lagama waayo
Arintaad gorfaysaa
Meshii ka guurto
Galabtii iyo habeenkii
Hadhku gelinaba waa cayn”
Kalmadahani waa kalmaddo muujinayaa arrin da weyn oo qabsatay ninkan abwaanka ah ee ku cataabay heesta, tani waa adduunyo oo xaalku maalinba sida uu yahay noqon maayo berri oo waaga cusubi arrimo kale ayuu wataa.
Waxa khilaaf meel xasaasi ah gaadhsiisan oo dadka iyo bulshada shacabka ahina fahmi Karin uu ka dhex abuuran yahay Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE, aan si sir ah u taabto inta aan ka ogahay khilaafkan oo aan sheego waxa aan ka dhex maqlaayey bulshada iyo hadalada labada garab ee kulmiye is weydaarsanayaan, oo aan idhaahdo Khilaafkani Malaha waxa uu Abuurmay Markii Guddoomiyaha Xisbigu Mr. Muuse biixi uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xisbiga Kulmiye, Mise dadka aan weydiiyo oo ma waxa jiray khilaaf hoose oo u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Muuse biixi, kaasoo horeba u suurto gelin waayey in uu shirweynahii saddexaad ee Xisbiga kulmiye Muddo baddan dib u dhaco? Aan la kaashaddo maskaxdayda oo aan idhaahdo Dastuurka u yaal kulmiye dhexdiisu ma dhigayaa in maddaxweynuhu uu saddex jeer Xisbiga iska dhex sharaxo? Mise Dastuurkan dalka ayaaba dhigaya in kabaddan laba jeer in uu maddaxweynhu is sharraxo?
Kulmiye waa Xisbiga ugu shacbiga baddan Jamhuuriyaddan Somaliland waxa uu ahaa Xisbigii ugu weynaa dhanka Mucaaradka marka lasoo haddal qaaddo Wakhtigii taladda dalka ay hayeen Xisbigii kale ee UDUB, waxa Muddo badan oo gaadhaysa 8 sanno Guddoomiye ka ahaa Maddaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Kadib furitaankii Axsaabta badan ee Jamhuuriyada Somalilnad waxa iskugu soo hadhay saddex xisbi oo kala ahaa UDUB, KULMIYE IYO UCUD, Doorashadii wakhtigaasna Kulmiye oo uu Garwadeen ka ahaa Md. Axmed uu ku guul daraystay taladii waddanka oo waxa qaaday UDUB, taageeryaashii iyo hogaamiyeyaashi kulmiye waxay talo ku gaadheen in ay samirka ciirsadaan oo ay calool adayg ku gadhaan doorshada dambe, in kasta oo dib u dhaca ku imanaayey Hadana Kulmiye wuu gaadhay halkuu doonayey oo wuu ku guulaystay taladii dalka, isla wakhtigaasna waxa Uu Md. Axmed Maxamed siilanyo madaxweynuhu ku wareejiyey Xilkii guddoomiyenimo ee Xisbiga Muuse Biixi oo ahaa Xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga.
Shacabka Somaliland waxay u qaateen Hadii uu Maddaxweynuhu wareejiyey xilkii guddoomiyenimada xisbiga in uu u calool xaadhan yahay in qof kale oo ka mid ah xisbigu uu isa soo sharixi doono, Laakiin su’aashi waxay tahay taasi ma dhacday?
Waxay qaadatay Wakhti dheer in lasoo xullo ergooyinkii ka qayb galayey shirka kulmiye iyo in uu qabsoomo shirku oo in baddan la isku maandhaafay,
Laakiin waxaa suurto gashay in uu kama dambaystii qabsoomo shirkaas saddexaad ee Kulmiye, Mise guddoomiye iyo Kuxigeenkii Xisbiga oo ah Madaxda Xisbiga aan la dooran ee taladii loo daayo cidii hore u haysay oo kala ahaa Gudoomiye Muuse Biix iyo G.xigeen Maxamed Kaahin, halkaas waxa ka muuqda oo shacabka iyo taageeryaashu ka tirsanayaan khalad ah in wax lagu heshiiyey oo ay ahayd in isbedel ku dhaco xisbiga si Muuse Biixi u suurto gasho in uu isla goobtaasi kula tartamo Axmed Siilaanyo Madaxweynaha iyo cidii kale ee diyaarka ahba
Aan dib u fiirino khilaafkan lamid ah oo soo kale dhex galay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan c.qaadir oo si sharaf dhac ah oo milgaha dimuquraadiyada iyo sharafta wacan ka fog lagaga qaaday Xilkii uu hayey ee lugu soo doortay shirweynihii kulmiye ee wakhtigaasi, Muuse biixi waxa uu kamid ahaa Nimankii wakhtigaasi C/raxmaan c/qaadir ganafka u buuray ee xaqiisii duudsiyey misna wax ka dhicin waayey, Wakhtigaas lagasoo bilaabana dadka iyo taageeryaasha Xisbiga kulmiye waxay Aaminsanayeen in Nafsiga Ina cabdiqaadir uu soo if bixi doono goor aan fogayn,
Maanta waxa uu Muuse Biixi ogaadey in Xisbigan Kulmiye aan loogu talo gelin kusii jirkiisa wakhtigii xilka laga tuuray Ku-xigeenkii Sida sharafta leh loo soo doortay ee Ina Cabdiqaadir ahaa,
‘Axmed Siilaanyo waxa uu I eryey oo xilka iga qaaday markii uu waddo meriyey Ina Cabdiqaadir,’ sidaas waxa ka dhigan waa sidii dibigii Madoobaa ee Gartay in uu Libaaxan uu la heshiiyey ee uu saaxibadii siiyey uu maanta diyaar u yahay in uu cuno oo ku cataabay “Waxaad Libaaxoow i cuntay Maalintii aad cuntay Dibigii Casaa”.
HAMSE BASHE MUHUMED (H.SHAADHEY)
BBA-DEPARTEMENT OF ACCOUNTING AND FINANCE
E-MAIL: XAMSE18@GMAIL.COM
HARGIESA SOMALILAND
No comments:
Post a Comment