Hargeysa:May,11,2014(Himilo)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxmaed Xaashi Cilmi, ayaa si kulul xukuumadda Somaliland ugu dhaliilay Gaabisnimo iyo Dheelli ku yimi Qaddiyadii Somaliland.
Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta warbaahinta ugu warramayey Hargeysa, ayaa tilmaamay in qaddiyadda Somaliland aanay ahayn wax dhib yaraan ku yimi, isla-markaana dhibaato badan iyo dhiig-ba loo soo maraya, sidaas darteedna loo baahan yahay in ilaalinteeda meel adag la iska taago, “Dada Somaliland Dhegahaa wada Taagan, Somaliya-na waynu ku khasaarnay dalkanina waxa uu inagu joogaa dhiig badan iyo Burbur badan, maantana kii aynu ka hadli lahayn Waan-waan ma aha.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.Waxa eng. Maxamed Xaashi sheegay in Hannaanka xukuuumaddan haatan talada Somaliland Haysaa ay wax u waddaa uu yahay mid shaki leh, isagoo farta ku fiiqay wada-hadalka Somalia lagula jiro, waxana uu yidhi,
“Waxa madaxweyne iyo wasaarado iyo baarlamaan beddeli karo ma ah, haddana qodqodkii baa batay oo waliba xukuumadda I ay aad ugu dhiirran tahay, Dawladdu waxaay caalamkii ka dhaadhicisay inaa ka goosi jirine laqdabo jirto, dawaldda turkiguna boqortooyadeedii bay doonaysaa sidii ay u soo ceshan lahayd, niman dhego u leh waxan aynu inagu waddano iyo xorriyadeenana ma ah, shuruucdii inoo taallayna kuwii ugu muhiimsanaa ayaa la jabiyey.”
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay ka xishooto soo bandhigidda dhibkii shacabka Somaliland hore u gaadhay, waxana uu yidhi
“Caalamka wixii ina gaadhay Dawladdeenu way k axishootaa, waxana u markhaati ah maalintii lafaha la aasayey Madaweynaha iyo ku xigeenkiisuna iyagoo Hargeysa jooga ayaanay Janaasadii ka qayb gelin,”
Shakiga iyo warwarka uu qaddiyada Somaliland ka qabo Maxamed Xaashi ayuu u sibir-saaray, kuna eedeeyey Wasiirro uu ka mid yahay Xirsi cali Xaashi xasan, isagoo sheegay inuu lacago ku qaatay Burburinta Somaliland iyo midaynta Soomaaliweyn, waxana uu yidhi,
“Maantana waxa inoo yimi kuwii ina dhexdhexaadinn lahaa, mashruucaasna laba wasiir oo kala ah Mid Somalia ah iyo Xirsi baa kala qaatay Turkigaana Bixinaya, Ta inoo daranina waa taas”
Maxamed Xaashi waxa uu shacabka Somaliland u soo jeediyey inay si dhaw ula socdaan tallaabooyinka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waddo, isagoo Madaxweynaha kula Taliyey inuu Arrimaha Socda wax ka qabto, waxana uu yidhi,
“Dadweynaha reer Somaliland-na waxan leeyahay waxaas socda aynu ka Digtoonaano, dawladdani waxay waddana aynu hor joogsano si aynu u horjoogsano-ba, Madaxweynahana Kol-na waxa la yidhaahdaa wuu xanuunsanayaa, kol-na halkaas buu joogaa baa la yidhaahdaa, markaa Haddii aanu Xabiib Burqiiba ahayn waxaas wax haka Qabto.”
Himilo
Hargeysa/Desk
No comments:
Post a Comment