Xildhibaan Jaamac-Riyo oo naqdiyey Oday-dhaqameedka Soomaaliya ee aqoonsaday Somaliland
Hargeysa, 21, May, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fool-xumo iyo waxaanu hore u arag ku tilmaamay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Hargeysa ku sugnaa toddobaadyadii u dambeeyey oo Xafladdii lagu xusay 18-ka May ee Madaxtooyada lagu qabtay habeennimadii 18 May Madaxweyne Axmed-Siilaanyo guddoonsiiyey calanka Somaliland markii uu sheegay inay Madax-dhaqameed ahaan aqoonsadeen Jamhuuriyadda 23-jirsatay ka dib.
Xildhibaan Jaamac-Riyo, waxa uu ku dooday inaanay qurux badnayn in Madaxweynuhu isu-taago markii uu Suldaanka ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Hargeysa joogay Xafladdaa kaga dhawaaqay inay Madax Dhaqan ahaan aqoonsadeen Madax-bannaanida Jamhuuriayadda Somaliland iyo in calankiisa dad dalkiisa marti ku ahi Madaxweynaha guddoonsiiyaan toona.
“Aniga oo Guddida qaban-qaabada xuska 18-ka May ku ammaanaya qaabkii ay u soo bandhigeen xuska 18-ka May, waxa aan jecelahay in aan ka hadlo guul-darro munaasibadda xuska 18-ka May habeennimadii ii muuqatay.” Sidaas ayuu yidhi Abwaan Jaamac-Riyo oo u warramay Hadhwanaag..
Waxaanu Xildhibaan Riyo oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Guul-darradaas oo ahayd markii Oday-dhaqameed ka yimid Caabud-waaq uu ka sheegay Xafladda 18-ka May in uu inna aqoonsaday, waxaana la arkayay Madaxweynaha Somaliland oo istaagay. Ta kale ee la yaabka nagu noqotay waxa ay ahayd markii uu Ninkaas sheeganaya Madax-dhaqameedka ayaa yidhi ‘waxa aan idin siinayaa hadiyad, hadiyaddaas oo uu u sare kacay Madaxweynuhu waxa ay noqotay Calankiisii.”
“Anigu weli hore u maan arag Madaxweyne calankisii la guddoonsiiyay, Madaxweyne dalkiisii la joogo in dad marti ahi ay guddoonsiiyaan calanka dalkiisa aad iyo aad bay aniga iila fool-xun tahay,” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo sidoo kale ah Hal-abuur ka tirsan Abwaannada reer Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment