Tuesday, May 6, 2014

Madaxweyne Silaanyo oo tacsi u diray qoyskii iyo qaranka somaliland




Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray qoyskii iyo guud ahaanba bulshada somaliland ee uu ka geeriyooday guddoomiyihii waxbarashada gobolka togdheer marxuum Cabdi Axmed Siciid.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan Bahda Waxbarashada ee uu ka baxay Gudoomiyihii wax-barashada ee Gobolka togdheer, Marxuum Cabdi Axmed Siciid Seed oo ku geeriyooday 06/05.2014, Magaalada Burco.


                                                                             


Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumkaasi oo taariikhda waxbarashada baal dahab ah kaga jiray.


 


Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.


 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment