Jabuuti, 25 May, 2014 (Himilo)- Ugu yaraan laba ruux ayaa geeriyooday illaa 11 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii huteel aad u mashquul ah oo ku yaalla Suuqa dhexe ee magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti lala beegsaday laba Qarax oo kala dambeeyey.
Qaraxyadaas ayaa lagu dilay 2 qof, 11 kalena way ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska Jabuuti Kornayl Cumar Xasan. “Waa dembi sharci. Waxaannu helnay laba qof oo dhintay iyo 11 kale oo dhaawacmay, waxa meesha ka dhacay ee lagu weeraray waxay ahaayeen Qaraxyo Bambaanooyin.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Cumar Xasan oo xalay la hadlay Wakaaladda wararka ee Reuters.
Dad ka ag-dhawaa goobta Qaraxu ka dhacay ee magaalada Jabuuti, ayaa Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka ugu sheegay in la xaddiday dhaqdhaqaaqa dadweynaha, isla markaana Ciidammo tiro badan oo Boolis ah waddooyinka Suuqyada magaaladaas, gaar ahaan Suuqa uu ku yaallay Huteelkaas oo ka mid ahaa Huteellada ay Ajaanibku ku badan yihiin la xidhay oo ay Ciidanku la wareegeen gacan-ku-hayntiisa si ay u baadhaan waxa meesha ka dhacay.
Jabuuti ayaa ah dalka keliya Bariga Afrika ee ay Ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Saldhig la ogyahay oo Millateri, kaasoo ka mid ah Saldhigyada ay ka kacaan Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka, halkaasoo lagaga duulo goobaha Argagixisadu Afrika kaga sugan tahay sida dalalka Soomaaliya, Yemen, Nageria, Chad iyo waddammo kale.
Dalka Djabuuti oo xornimadeeda dalka Faransiiska oo muddo dheer gumaysan jiray ka qaadatay sannadkii 1977-kii, waxa uu ka mid yahay dalalka Midawga Afrika ee ay Ciidammadu ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dawladda Soomaaliya ka caawiya dagaallada ay kula jirto Malleeshiyada Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya, ayaa marar badan oo kala duwan u hanjabtay waddamada ay Ciidammada Nabad-ilaalinta ah ee AMISOM ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid tahay dawladda Jabuuti oo ay ugu hanjabeen inay gudeheeda dhiig ku daadin doonaan. Hase-yeeshee, illaa hadda ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaas. Dawladda Jabuuti ayaa beddelka hanjabaadaha Al-Shabaab shaacisay inay kordhinayso Ciidammada hawlgalka AMISOM qaybta ka ah ee ka jooga Soomaaiya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment