Dhawaaqan Ruushka ayaa jaahwareer iyo Niyad jab dhaliyey, waxana Arrintaas si weyn uga warwersan Masuuliyiinta cusub ee Dalka Ukrain oo dhibaatooyn Dhaqaale iyo kuwo amniba Haatan la daala dhacaya.Wasaaradda Tamarta ee Ruushka ayaa sheegtey in Ukraine ay iska bixin weydey waqtiga loo qabtey oo Arbacadii ku ekeyd lacag dhan 3.5 bilyan oo dollar oo ah deyn hore loogu lahaa oo ay ku qaadatey gaas.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Gaasta ay Ukrain qaadanayso Bisha June Lacagteeda la doonayo inay Horumarin u bixiso, maadaama oo lacago hore loogu leeyahay.
Russia waxay boqolkiiba 30 kabtaa gaaska ay u baahan yihiin waddamada Galbeedka Yurub, iyadoo kal badh la sii mariyo Ukraine oo Haatan xidhiidh aan fiicnayn la leh Dalka Ruushka.
Dhanka kale kooxaha gooni u goosadka ee taageersan Russia ee degaanada bariga Ukraine ee Donetsk iyo Luhansk ayaa sheegay inay qaban doonaan afti ay ku go’aaminayaan inay ka xoroobaan Kiev iyo in kale.
Dhawaaqan Ruushka ka yimi ayaanay Waddamada Reer Galbeedku waxba ka odhanin, waxana la filayaa in Maraykanku uu dhawaan ka Hadlo arrintan, isla-markaana uu Ukrain siiyo Lacago ay kaga Maarmi Karto hanjabaadaha kaga imanaya Ruushka.
No comments:
Post a Comment