Tuesday, May 20, 2014

Shan Ka Mid ah Militariga Shiinaha Oo Maraykanku Ku Eedeeyey Basaasnimo

Washington:May,20,2014(Himilo)-Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay liiska  shan qof oo kamid ah millitariga Shiinaha oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah howlo basaasnimo ah ugu sameeyeen kombuyuutarrada qaar ka mid ah  shirkado laga leeyahay dalkaas si ay macluumaad sir ah uga helaan.

shiinayWasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa eedaymahaas ku tilmaamtay kuwa  gaf ku ah,isla markaana dhaawici kara xidhiidhka labada dowladdood, iyadoo eedayntan ay tahay tii  ugu horeysay oo masuuliyiin sare oo dowladdaas ka tirsan loo soo jeediyo .

 

Shirkadaha la beegsaday waxaa kamid ah Alcoa World Alumina, Westinghouse Electric Company, Allegheny Technologies, US Steel Corporation,iyo SolarWorld, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka Eric Holder oo la hadlayay warbaahinta.

 

 

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha oo sanadkii hore ku kulmay shir lagu qabtay magaalada St. Petersburg ayaa ka wada hadlay arimo ku aadan amniga kombuyuutarada labada dal  ,inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada ay isku waafaqeen.

 

Ugu danbayntii eedaymahan ka soo baxay waaxda cadaalladda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa ,iyadoo hore uu  u jiray tuhun ay dowladda Shiinaha ka qabtay macluumaad loo gudbiyay bogga  WikiLeaks oo baahiyay siro dhowr ah oo ay dowladda Shiinaha leedahay.

Wararka Haatan soo Baxaya ayaa sheegay in Dawladdu ay arrintaas  Maraykanku ku  tallaabsaday kaga jawaabtay inay u yeedhato Safiirkeedii uu fadhiyey Magaalada Washington, taas oo dhaawici karta xidhiidhka Labada Dawladood oo caalamka saamayn ballaadha ku leh.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment