Bulshaale wad buu sidaa , Bahdoon buu maaggan yahay ,Ul boocuu ugu tukubay, Berdaa lagu kala negaa, Dhexdoodii buu ka baxay, Dhammaa beydbeydsigii, Ban weyn baa layska helay, Fallaadhuhu gun iyo baar Bartii shiishkay hayaan, Biciidkuna wuu arkaa (Hadraawi-Bulsho)
29-04-2014 Waxay ahayd Maalintii labaad ee shirwaynaha xisbiga kulmiye, madasha waxa ku sugan ergooyinkii wax dooran lahaa waxna ansixin lahaa waxa goobtaa lagu doortay shirgudoonkii hagi lahaa shirwaynaha xisbiga, ugu horayn shirgudoonka waxa u hadlay guddoomiyaha shirgudoonka, guddoomiye ku xigeenka ugu danbayntiina xoghayaha.
Xoghayaha shirka ayaa ugu horayn sharaxay shaqada ay qaban doonaan, waxa uu sheegay in ay laba qodob hirgalin doonaan.
1. Doorashada hogaanka xisbiga
2. Doorashada Golaha dhexe.
Haddaba Shirgudoonka oo cimrigiisu la gabo gaboobo shirweynaha ayaa si badheedha ah u faro-galiyay awoodihii Guddoomiyaha iyo hogaanka xisbiga, waxay baal mareen anshaxii habdhaqankii, milgihii, xurmadii iyo dhawritaankii sharciga xisbiga.
Kooxdan Falaagada ah waxay ku xadgudbeen oo ay danbi ka galeen sharcigii xisbiga kulmiye, Dastuurka xisbiga kulmiye Qodobkiisa 56aad, faqradiisa anshax marintu waxa dhigaysaa, haddii uu ku xad-gudbo dastuurka xisbiga, xeer-hoosaadka gole, waxa xubinta geftey la siinayaa ganaax ah, Canaan af ah, Canaan Qoraal Ah, Digniin Qoraal ah, Ganaax lacageed, kala noqoshada xubinnimada xisbiga
Dhacdadan foosha xun ee lagu kicinayo dadweynaha iyadoo guuxa iyo sawaxanku isqabsaday magaalooyinka waaweyn ee wadanka oo dhan, gardarada badheedhka ah iyo beenta aan geedna loogu soo gaban ee wax loogu dhimayo garashadii iyo caqligii dadwaynaha, iyadoo TVyada lagala socday shirwaynaha xisbiga kulmiye sidii uu u dhacay.
Wasiir Caddami, oo isdaba marinta, khal khal galinta, kutumashada sharciga iyo khiyaanaduba ay u tahay habdhaqan, waxay taageerayaashii xisbiga kulmiye si wayn u ogyihiin una xusuusan yihiin gacantii waynayd ee uu ku lahaa guuldaradii xisbiga kulmiye ee 2003dii doorashada lagaga guulaystay, guuldaradaas oo loo tirinayo Cadami oo ahaa guddoomiyhii komishanka doorashooyinkii markii uu ku kacay wax isdaba marin iyo dagaal toos ah oo uu ka galay sanduuqii balli-calanle silaanyana sidaasi ayuu ku dhacay.
Haddaba Shirgudoonkan xisbiga oo shaqadii loo dirtay ahayd inay qabtaan liisaska ay soo gudbiyaan beeluhu, waxay ka been abuureen liisaskii beelaha, waxa madaxtooyada looga soo yeedhiyay magacyada daba dhilifyo iyo kabaqaadyo aan matalin beelahoodii balse daacad u ah siilaanyo, been abuuradkaas oo ah qalad laga galay beelaha iyo xisbiga labadaba waxay tani horseedaysaa khilaaf xoogan oo ka dhasha xisbiga kulmiye.
Somalidaa hore u tidhi nimaan ku furayni yaanu kuu rarin, Wasiiradan iskala qufaya iyo dagaalkan cad ee siilaanyo iyo wasiiradiisu u caddaysteen shacabka , Saxaafada iyo xisbiyada qaranku waa dariiqii iyo dhabihii uu daahir rayaale wasiiradiisu ku hadoodileen gabagabadii mudo xileedkiisa.
Haddaba wasiiradan qaylinayaa waa gardaro garab oge, waxay indhaha iskugu soo qabteen khalkhal galinta amniga wadanka iyo ku takrifalka hantida dadwaynaha iyagoo dhaqan ka dhigtay kutumashada sharciga wadanka.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa awood dastuuri ah u leh soo xulista gudida fulinta, waxa sidoo kale uu mudaynayaa shirka golaha dhexe, Guddoomiyuhu wuxuu guddoomiyaa kulanka ugu horeeya ee golaha dhexe si loo doorto guddoomiye, ku xigeen iyo xooghaye.
Guddoomiyuhu markuu soo xulo golaha fulinta wuxuu u soo gudbinayaa golaha dhexe oo ansixinaya.
Haddaba, shakhsiyaadkan kooban ee ka mid ah shirgudoonka ee darjiidhay, waxa laga sugayay inay soo gudbiyaan liiska beeluhu soo gudbiyeen iyo warbixintii sidii uu shirku u dhacay. ku dhawaaqista liisaska qarqooshka ah waxay ku koobnayd wasiir cadami iyo Faahiye oo siilaanyo adeer u yahay iyo cadami oo habdhaqankiisii hore marka laga yimaado shaqadiisa ilaashanaya ahna kaadari gaboobay oo af macaan.
Ugu danbayntii, Tallaabooyinkani waxay soo cimri dadajinaysaa dhicitaanka dawlada siilaanyo, hadii aanay waxgaradka iyo salaadiinta beeshiisu ka kala firdhin wasiiradan madaxgaabyada ah ee ku xoonsan madaxwaynaha, Wasiiradani waa wasiiro u adeegaya cido kale, ujeedadooduna tahay kala furfurida xisbiga kulmiye iyo heshiisyadii hore loo galay oo cid walba dan u ahayd.
Ninkii ballankaaga qaaday,
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada ,
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment