“U gudbinta UNFPA ma hubo. xogtan waxa laga ururinayey laga bilaabo Dhahar ilaa Saylac, Buuhoodle illaa Berbera, dadka tegayna waa dadkeenna. Waannu hubinaynaa, haddii UNFPA samaysay wax ka dhigaya Somaliland inay hoos geeyeen Soomaaliya…” Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire: Waraysi Gaar Ah:
Hargeysa, 21 May, 2014 (Himilo)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xog-uruurin muddooyinkii u dambeeyey laga sameeyey guud ahaan deegaannada Somaliland looga danlahaa ogaanshaha tirada bulshada si loogu qorsheeyo mashaariicda horumarineed deegaan walba, isla markaana xogta sahankaasi gaar u tahay dalka Somaliland oo keliya.
Wasiir Qorsheynta Dr. Sacad oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey halka ay marayso xog-uruurin laga waday guud ahaan deegaannada Somaliland, ayaa sheegay in la soo gebogebeeyey, waxaanu yidhi; “Xog-uruurintaasi way soo dhammaatay, xogtiina waxa lagu shubay kombuyuuterrada Wasaaradda Qorsheynta. Ujeeddadiisuna waxay ahayd malo-awaal lagu sameeyo tirada dadkeenna, si loogu qorsheeyo mashaariicda horumarineed.”
Mar la weydiiyey Wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad in mashruuca xog-uruurinta PEES ahaa mid Xukuumadda Soomalaiya wadday, sida dorraad Raysal-wasaaraha Soomaliya u sheegay iyo waxa labada xog-ururinood iska khuseeya, waxa uu ku jawaabay; “Maya! Xogteennu mid hoos imanaysa ama looga fasax-qaatay Soomaaliya maaha. Hay’adda UNFPA iyo Xukuumadda Somaliland ayaa waday. Innaka (Somaliland) ayaa u baahan ogaanshaha tirada dadkeenna, waayo? Qorshe lama samayn karo haddii aanad garanayn tirada dadkaaga iyo deegaannada ay ku nool yihiin.”
Wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad oo la weydiiyey waxa ay ka yeelayaan haddii ay Hay’adda UNFPA ku wareejiso xogtii laga uruuriyey Somaliland dhinaca Soomaaliya sida ay sheegayaan, waxa uu yidhi; “U gudbinta UNFPA ma hubo. xogtan waxa laga uruurinayey laga bilaabo Dhahar illaa Saylac, Buuhoodle illaa Berbera, dadka tegayna waa dadkeenna. Waannu hubinaynaa, haddii UNFPA samaysay wax ka dhigaya Somaliland inay hoos geeyeen Soomaaliya, oo mashruuca qeybteennu ahayd mid Soomaaliya ka mid ah taa ka aqbali mayno, inkastoo mashaariicda hay’adaha Qaramada Midoobay qabtaan yihiin lacagaha Soomaaliya la siiyo, oo la innoo qeybiyo, oo qeybteenna la inna siiyo. Arrinkaa waannu kala hadli doonnaa Hay’adda UNFPA jiritaankiisa.”
Inkasta oo aannu isku-daynay inaannu Warkan wax ka weydiinno Hay’adda UNFPA Masuuliyiinteeda Xafiiskooda Hargeysa, haddana noomay suuragelin inaannu wax jawaab ah ka helno. Hase-yeeshee, Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa 18-kii bishan Munaasibad Muqdisho loogu qabtay gubinta Xog-ta guud ahaan laga sameeyey dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya loo gudbiyey, xog-taas oo ay ka mid tahay xogta laga ururiyey dalka Somaliland oo uu ugu yeedhay gobollada Waqooyiga Soomaaliya-na in xogtooda lagu wareejiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment