Wefti Jarmal ah oo Hargeysa soo gaadhay, Nuxurka Kulan Madaxda Somaliland dhex-maray iyo hawlaha ay u socdaan
Hargeysa, 08 May, 2014 (Himilo)- Somaliland ayaa ku guulaysatay inay saami boqolkiiba 25 ah ka hesho dhaqaale ay dawladda Jarmalku u haysay dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya intii ka horreysay 1991-kii oo ay burburtay, waxaana dhaqaalahaas saamiga ay Somaliland ka heshay lagaga shaqayn doonaa horumarinta adeegyada Biyaha iyo Cunno-soo-saarka, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin u hadlay dawladaha Jarmalka iyo Somaliland.
Wefti ka socda dawladda Jarmalka oo shalay socdaal shaqo ku yimi Caasimadda Hargeysa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ka dib markii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku qaabbilay Xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada oo uu wadahadal ku dhex-maray.
Kulanka ay wada-yeesheen Weftiga ka socda waddanka Jarmalka iyo Madaxda Somaliland ka dib waxaa Warbaahinta uga warramay ujeeddada Weftiga Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo hoggaamiyaha Weftiga Jarmalka oo ah Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Jarmalka ee Nairobi Mr Christian Resch.
“Waxa halkan innala jooga Wefti innooga yimi waddanka Jarmalka oo heer-sare ah, kan kooban lix xubnood oo ka kala socda Wasaaradda Iskaashiga iyo horumarka, Safaaradda Nairobi iyo Hay’adda horumarka GIZ-ka ee Jarmalka. Waxay innoogu yimaaddeen xog-ururin iyo sidii ay innooga caawin lahaayeen, gaar ahaan meelaha innoo mudan ee ay ku jiraan Biyaha iyo wax-soo-saarka cuntadu. Waxay innala joogi doonaan laba cisho, intaas ay innala joogaan Wasiirro badan iyo Hay’adaha biyaha-ba way la kulmi doonaan,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad waxa uu sheegay in ay Somaliland saami lacageed ka heshay Hanti Maaliyadeed oo ay dawladda Jarmalku u haysay ummadda Soomaaliyeed, lacagtaas oo ay haysay tan iyo ka hor burburkii dawladdii uu Millateriga ahayd ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Generaal Maxamed Siyaad Barre.
Waxa uu Wasiirka Qorshaynta oo sharraxaya Lacagtaas Somaliland Saamiga ka heshay uu yidhi, “Waxa jirta Lacag ka hor 1991-kii dawladda Jarmalku ay u haysay dadka Soomaalida (dawladdii burburtay ee Soomaaliya), Lacagtaas ayaa saami nagaga soo hagaagay (Somaliland ahaan). Markaa, waxyaabaha innoo mudan ee Lacagtaas aynu ku isticmaali karno xog-tooda sidii ay innooga xog-waraysan lahaayeen bay innoogu yimaaddeen.”
Sidoo kale, Ku-xigeenka Safaaradda Nairobi ee dawladda Jarmalka ahna hoggaamiyaha Weftiga Somaliland soo gaadhay shalay ee dalkiisa ka socda Mr Christian Resch, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda oo uu ku sheegay inuu la xidhiidho helitaanka xog muhiim ah oo ay ka duulaan, isla markaana ay ku saleeyaan Saamiga Somaliland ka heshay dhaqaalaha Jarmalku Soomaalida u hayey oo la go’aamiyey in wax lagaga qabto kaabayaasha adeegyada horumarineed ee Soomaalida Shir sannadkii hore Soomaaliya loogu qabtay xarunta Baarlamaanka Midawga Yurub ee Caasimadda Belguime ee Brussels.
“Waan ku farsanahay inaan maanta halkan la joogno saaxiibadayada ka yimi Jarmalka. Waan ku farxsan nahay inaan balanqaadyo hore aanu u sheegnay maanta xaqiiq isu bedelaan, ujeeddada socdaalkanina daaran yahay. Sannadkii hore sidaad la socotaan waxa ka dhacay magaalada Brussels shir ballaadhan oo lagaga hadlayey horumarinta guud ahaan Soomaalida, waxa jiray saami gaar loogu qoondeeyey Somaliland. Inkastoo muddo ka dambaysay haddaannu nahay Jarmalku waxaan ugu deeqnay kaalmo gaadhaya 90 Milyan oo Uero (Lacagta Yurub ah) Soomaalida, taasoo Somaliland gaar u yeelan doonto saami u dhigma 25 % (boqolkiiba) deeqdaas.” Sidaa ayuu yidhi Christian Resch.
Waxa uu Ku-xigeenka Safiirka Nairobi ee Jarmalku Danjire Christian Resch oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan bilownay iskaashi dhow oo aan yeelanno xukuumadda Somaliland bilihii u dambeeyey si loo calaamadiyo dhinacyada ugu muhiimsan ee dhaqaalaha lagu maalgelin doono. Inkastoo faahfaahino dhammaystirani soo bixi doonaan, haddna waxaan ku faraxsannahay inaan halkan soo gaadhno.”
“Waxaan filayaa inay shaqadu bilaabmi doonto sidii guud ahaan shacabku u dareemi lahaayeen horumar la gaadho, waxaan sidoo kale kulan aannu dhammaan ku farxsan-nahay yeelannay Madaxweyne Siilanyo, maaddaama dhammaan Weftiga u tahay markii koowaad ee halkan ay yimaaddaan. Waxaan maalmaha soo socda booqan doonnaa dhinacyo Xukuumadda Somaliland u aragto muhiimadda koowaad waxka qabashadeeda oo ah dhinaca Biyaha ah, waxaan caddeynayaa in shaqadii bilaabantay.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Safaaradda Nairobi ee dawladda Jarmalka ahna hoggaamiyaha Weftiga Somaliland soo gaadhay shalay ee dalkiisa ka socda Mr Christian Resch.
Waxaa Kulankan Madaxweynaha Somaliland ku qaabbilay Weftiga Jarmalka ka socday dhiniciisa ku weheliyey: Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.
Xubnaha Weftiga Jarmalka ka socday-na waxay kala ahaayeen sidan: Mr. Christian Resch, Deputy Ambassador to GermanE,bassy Nairobi, 2. Dr. Philipp Rock, Desk officer for German Federal Ministry for Co-operation and Development, Bonn, 3. Ms Julia Kronberg, Deputy Head of Development Co-operation, German Embassy Nairobi, 4. Mr Hendrix Linneweber, GIZ Country Director Kenya, Nairobi, 5. Dr. Christoph Schaefer, Senior Country Manager East Africa, German Development Bank KFW, Frankfurt am Main, 6. Mr. Thomas Herzberg, German Development Bank KFW.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment