“Innamadii dalkan u soo lugo beelay, u soo dhego-beelay, u soo gacmo-beelay ee horseedka ka ahaa nabaddan aynu ku fadhinno, Qaarbaa Hargeysa gudaheeda ku dhex xidhan Xeryo aan Riyaha loo ogolayn” – Sheekh Aadan-Siiro
Hargeysa, 24 May, 2014 (Himilo)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dalka iyo umadduba u baahan yihiin in la ilaaliyo taariikhda uu leeyahay, qof kasta oo muwaadin ahna xaqiisa laga siiyo meesha uu taariikhda kaga jiro.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo shalay salaaddii Jimcaha khudbad dhinac badan taabanaysa ka jeediyey Masjidka uu Khadiimka ka yahay ee ku yaala xaafadda Xawaadle, waxa uu ka hadlay waajibaadka Ebbe Addoomihiisa ku faray inay ku shukriyaan nimcooyinka uu ku galladaystay iyo taakuleynta dadka jilicsan.
“Ilaahay nabad buu ina siiyey oo dalkeenna ka jirta; Ilaahay wuxuu ina siiyey nimco badan, waad arkaysana maanta Geeska dhib badan baa ka jirta oo meelo badan baa ololaya. Nabaddaas ay dadku samaysteen in lagu faro-adaygo oo kolba aan meel loola guur-gurin weeye. Xisbi iyo boqol qof oo magacyo lehina may keenin mana sheegan karaan. Afar Milyan ayaa nabaddan go’aankeeeda iska leh oo meel ku tiiriyey, intaasaa wax laga weydiinayaa.
Islaantaa tamaandhada suuqa ku fadhida ee lacagta laga guro ee agoonta korinaysa, ayaa haysa nabadda umaddan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud.
Sheekhu waxa uu sheegay I la dayacay isla markaana layska iloobay Xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen Mujaahidiin badan oo uu sheegay inay xaalado iyo nolol laga naxo ku nool yihiin, waxaanu yidhi, “In ka badan dhowr boqol oo ah innamadii dalkan u soo lugo beelay, u soo dhego-beelay, u soo gacmo-beelay ee horseedka ka ahaa nabaddan aynu ku fadhinno, Qaarbaa Hargeysa gudaheeda ku dhex xidhan Xeryo aan Riyaha loo ogolayn.
Inaga mid meel uu u soo maray aanay jirin baa dhinaca ka soo galaya umad dhan oo taariikhdeedu intay tahay oo halgan soo martay la ogyahay.”
Sheekh Aadan Xaaji maxamuud waxa uu ku baaqay in la tixgeliyo taariikhdii dalka iyo dadku soo mareen, lana ururiyo diiwaanka taariikhda iyo sida ay dadku u kala kasbadeen, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Illaahay, ma mahadiyo Ninka aan dadka kale Xaqooda garan, Innagu taariikhdii sida kale ayeynu u dhignay. Waa in Qof waliba Xaqiisa la qiro oo aan taariikh cusub umadda loo samayne taariikhda sideeda loo qoro, nin walibana halkii uu ku jiray loo daayo ayey ku qurux badan tahay, markaas baa mid walba la ixtiraami doonaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment