Hargeysa, 11, May, 2014(Himilo)- Wasaaradda Beeraha Somaliland oo weli la daalaa-dhacaysa, isla markaana u muuqata inay ku fashilantay wax ka qabashada Ayax tiro badan oo dalka ku habsaday, ku dhawaad toban bilood-na maalinba maalinta ka dambaysa gobollada iyo degmooyinka dalka ku sii baahaya, ayaa shalay kooxo u dirtay qaar ka tirsan Deegaannada Ayaxaasi ku degay.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa mar uu shalay Warbaahinta magaaladda Hargeysa kula hadlaayey waxa uu sheegay in Ayaxu uu Beeraleyda dalka dhibaato weyn ku hayo, isla markaana ay ay si deg-deg ah ugu direen Kooxo buufin doona Cayayaanka Beeralayda Xaalufinta ku haya.
“Waxaan halkan uga sheegayaa ummadda in Ayaxa oo runtii dhibaato weyn dalka ku haya oo saakaddan (shalay subax) laga soo sheegay illaa Deegaanka Ceel-daraad illaa Lughaya ay Kooxdii ugu horreysay maanta u baxayso si looga hortago khatarta Ayaxu uu Beeralayda u keenayo, iyaga oo kooxdaasi ka kooban Hay’addaha CLS iyo DRC labadaas Hay’addood oo ah kuwa ku shaqada leh arrimaha Ayax la-dagaallanka oo midna Xarunteedu tahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, midna xarunteedu Addis Ababa tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Geedoole.
Wasiir Faarax Cilmi Geedoole oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Hawshani waxa iska kaashaday Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, labadaas Hay’addood iyo Hay’adda FAO, runtiina maanta ayaa loo baxayaa meelahii uu Ayaxaasi ka jiray oo maynaan gaadhin marxalad Diyaarad la isticimaalo oo waxa weeyaan Wakhtigan Xoolaheennii oo dhan ayaa Xeebta jooga, waxaanannu ka baqannay in waxyeello iyo dhibaato ay Kiimikaadaasi u keento Xoolaha.”
“Markaa, immika waxaannu isticimaalaynaa dawada la yidhaahdo (Best Sides) oon khatar ku ahayn Deegaanka oo hadda Kooxaha ayaa baxaya oo Insha Allaahu xagga Deegaanka Lughaya ayey ka soo bilaabayaan oo Ayaxu aad iyo aad ugu badan yahay, marka danbena xagga Bariga ayey u kici doonaan, taas ayaan ogaysiinayaa ummadda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo isna ka hadlay arintan Ayaxa, ayaa sheegay inay kooxahan ay u dirayaan la-dagaallankiisa ay rejaynayaan inuu wax badan ka qabto sidii loo xakamayn lahaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment