“Xil gaar ah ayaa iga saraan in Xisbigu najaxo, in Xisbigu guulaysto, in Xisbiga KULMIYE uu jiro, oo uu tartammo badan iyo talada Qaranka marar badan oo kale uu ku guulaysto…” Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
Hargeysa, 29 May, 2014 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkan xilka uga qaaday Khilaafka KULMIYE awgii, ayaa sheegay inay dalku qaadi karin Golayaal iyo Guddiyo fulineed oo si-dhinac socda oo ay Garabyada Madaxtooyada iyo Hoggaanka KULMIYE ee Xisbigaasi u qabsamay wadaan, isla markaana waxa uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafka oo ay wadahadal toosa yeeshaan.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu shalay xilka Wasaaraddaas ku wareejiyey oo lagu qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Sidaad ka war-qabtaan anigu waxaan ahay xubin ka mid ah Masuuliyiinta ugu sarraysa ee Xisbiga KULMIYE, muddo dheerna ka mid ahaa intii uu Xisbigu mucaaridka ahaa iyo afartii sannadood ee ugu dambaysay ee dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) talada dalka haysayna Wasiir baan ka ahaa.”
Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashigu waxa uu sheegay in xil gaar ahi isaga ka saran yahay sidii uu KULMIYE marar badan u guulaysan lahaa, waxaanu yidhi; “Sidaa awgeed xil gaara ayaa iga saraan in Xisbigu najaxo, in Xisbigu guulaysto, in Xisbiga KULMIYE uu jiro, isla markaana uu tartammo badan iyo talada Qaranka marar badan oo kale uu ku guulaysto xil gaar ah baa iga saraan.”
“Sida laga war-qabana immika waxa jira khilaaf Xisbiga dhexdiisa ka jira, waxaan leeyahay oo aan ugu baaqayaa Masuuliyiinta Xisbiga, Xukuumadda iyo cid kasta oo Xisbiga danaynaysay in arrimahaas si miir-qabta oo deggan oo wadahadal ah lagu soo af-jaro, oo aanay innaga noqon Mindi Mindi ku taag iyo Guddidhexe iyo Guddiyo Fulineed oo is-barbar-socda iyo Shirar kale oo Gole dhexe oo si-barbar-socda dalkani ma qaadi karo, waa arrin ceeb ah, waa arrin aan loo baahnayn.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Waxaanu gebogadii hadalkiisa uu baaq u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha Qaranka iyo Guddoomiyaha Xisbiga labadaba waxaan ugu baaqayaa arrintaas inay sida ugu dhakhsaha badan isaga arkaan, arrintaas muranka Qarankan wax yeeli karta, oo burburin kartana in ay si xilkasnimo ah iyagoo waajibaadkooda Qaran gudanaya ay arrintaas u soo dhammaystiraan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment