Hargeysa, 26 May, 2014 (Himilo)- Xarunta Xuquuqal Iinsaanka (Human Rigthts Center) ee fadhigoodu yahay magaaladda Hargeysa, ayaa Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka uga digay ansixinta xeerka ka hortagga iyo la-dagaalanka argagixisada oo xukuumadu u gudbisay golaha wakiiladda, kaas oo ay ku sifeeyeen mid haddii hirgelintiisa fusho xadidaya xuquuqo badan oo distuurku u damaanad-qaaday muwaadiniinta Somaliland.
Xeerkan ayaa lagu tilmaamay mid dhabar-jab ku ah Xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo Xoriyatul-qawlka, isla markaana dawladda u ogolaanaya inay dhegaysato telefoonada dadka, isla markaana suurto-galinaya in si qarsoodi ah loo dhegayso hadallada dalka muwaadiniinta ah ee dastuurku xaqa u siiyey helitaanka kalsooni iyo xorriyad uu ra’yigiisa ku soo bandhigo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Fulinta ee xaruntaas Mowlid Farah Muuse.
War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Golaha Wasiirada ee Somaliland waxay u gudbiyeen Golaha Wakiilada Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada. Xeerkan cusubi wuxuu ku yahay xad-gudub dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Wuxuu jebinayaa xoriyaadka iyo xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan xorriyadda ra’yi dhiibashada, xoriyadda is-gaadhsiinta, xoriyadda bannaan-baxa, dacwad qaadis xaq ah iyo xaqa is-difaaca, xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xoriyadda is-abaabulka.
Xeerkan qabyada ahi wuxuu u qeexayaa argagixisonimada si balaadhan oo daba furan. Qeexidda aragagixisonimo ee ku jirta xeerkan waxay keenaysaa cadibaad iyo in lagu dabaqo ficilo balaadhan oo aad u kala duwan.
Xarunta Xuquuqal Insaanku arimaha badan ee ay ka welwelsan tahay ee ku jira xeerka waxa ka mid ah:
1. Wuxuu abuurayaa in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah iyada oo aanay ka soo qayb-galin cidda la eedaynayo iyo cid metelaysa tooni
2. Wuxuu siinayaa dawladda awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka
3. Wuxuu ogolanayaa in la dhexgalo oo la dhegaysto is-gaadhsiinta dadka sida telefoonada, boostada IWM kadibna loo adeegsado cadayn ahaan
4. Wuxuu awood baaxad leh u siinayaa Booliiska inuu dadka xidho isaga oo aan wadan amar qabasho
5. Wuxuu ogolaanayaa in la qabto oo lala wareego hantida dadka iyada oo aan loo marin hanaan sharci
6. Wuxuu abuurayaa hab dacwadeed siinaya booliiska iyo xeer-ilaalinta awoodo fara badan islamarkaana wuxuu xadidayaa xaqa dastuurku damaanad qaaday ee dadku u leeyihiin inay iska difaacaan maxkamada horteeda
7. Xeerku waa mid madmadow badan oo aan cadayn
8. Ciqaabaha ku jiraa waa kuwo naxariista ka fog oo aan u dhigmin ficilada dadka lagu ciqaabayo
9. Wuxuu ogolaanayaa in la diido diiwaangelinta ururada samafalka ah iyo in lagala noqdo diiwaangelinta ururada samafalk ah
10. Wuxuu ku yeelan doonaa saamayn xun xawilaadda lacagaha
11. Waxa ku jira dembiyo ay maamulayaan xeerar kale sida dembiyada la xidhiidha duulista madaniga ah kuwaas oo ku jira xeerka duulista madaniga ah oo isna horyaal Golaha Wakiilada
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa:
• Golaha Wakiiladu inuu diido Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada
• Dawladdu inay dib ula noqoto xeerkan ku xad-gudbaya xuquuqda aadanaha
• In xeer kasta oo loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada uu noqdo mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment