Hargeysa, 08 May, 2014 (Himilo)- Illaa siddeed iyo afartan ka tirsan Madaxda Dhaqanka Beelaha Koonfurta Soomaaliya, ayaa shalay safar ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, isla markaana la dejiyey Huteellada Safaari iyo Shaybe oo ku yaalla Xaafadda Jigjiga-yar ee Hargeysa.
Madax-dhaqameedka ka socda Beelaha inta badan Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, ayaa Shalay ka soo ambabaxeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, sida ay Wargeyska Himilo u sheegeen ila-wareedyo ka adghaw Odayaasha oo markii ay Muqdisho ka soo baxayeen aan ka hadlka ujeeddada socdaalkooda.
Ma jiro War rasmi ah oo ka soo baxay Odayaasha Soomaaliya ka socda ee Hargeysa soo gaadhay iyo wax War ah oo ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay toona.
Inkasta oo Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo Odayaasha xalay ku booqdeen Huteellada la dejiyey, haddana way ka gaabsadeen inay socdaalkooda faahfaahin ka bixiyaan. Sidoo kale, Suxufiyiin shalay markii ay Odayaashu yimaaddeen Hargeysa isku dayey inay war ka helaan ayaanay iyagana u suuragelin inay xog ka helaan ujeeddada socdaalkooda, ka dib markii ay ka gaabsadeen inay wax war ah bixiyaan.
Hase-yeeshee, warar kala duwan oo ka soo baxaya Safarka Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ka yimi ku joogaan Hargeysa, ayaa qaarkood tibaaxayaan in ujeeddadoodu la xidhiidho inay ka qaybgalaan oo goob-joog u ahaadaan Xuska 18-ka May oo ah sannadkan 23-guurada ka soo wareegtay ku-dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay la midawday 1-dii Julay shan cisho ka dib markii ay 26 June 1960-kii oo Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Mustacmaraddii Ingiriiska. Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland oo aannu isku daynay inaannu iyagana dhinacooda wax ka weydiinno socdaalka Odayaasha, ayaanay noo suuragelin ka dib markii Masuuliyiinta warku khuseeyaa taleefannadooda qaban-waayeen, qaarkoodna xidheen ama demiyeen.
Sidoo kale, waxay ila-wareedyada uu Wargeyska Himilo xogahan ka helay qaarkood ujeeddada socdaalka Odayaasha ku sheegeen inay qayb ka tahay, inay u kuur-galaan horumarka dhinacyada nabad-gelyada, dimuqraadiyadda iyo taabbo-qaadka adeegyada bulshada Somaliland, kuna hambalyeeyaan waxa ay qabsatay 23-ka sanno ee ay goonida uga taagnayd Soomaaliyada qalalaasaha siyaasadeed iyo dagaallada dabada-dheeraaday ka socdeen muddadaas-ba, isla markaana ay casharro muhiim ah ka bartaan sida ay Somaliland heerkan ay marayso ku soo gaadhay iyo jidadkii dhaqan iyo siyaasadeed ee ay u soo mareen higsigooda.
Waxyaabaha ay muhiimadda siinayaan inay Somaliland ka faa’iidaystaan ayaa lagu sheegay dhabbaha nabadaynta Beelaha iyo awoodda Guurtida Somaliland iyo sidii lagu abuuray Golahaas oo ka mid ah waxyaabaha ay Somaliland dheer tahay Soomaaliya. Waxaanay ila-wareedyada Wargeyska Himilo soo xigtay intaa ku dareen inay Odayaasha reer Soomaaliya doonayaan casharrada ku dayashada mudan ee ay ka bartaan Somaliland sidii ay ugu bandhigi lahaayeen Shacabkooda iyo Siyaasiyiintooda Soomaaliya si ay duruus wax-korodhsi ugu noqoto iyagana, isla markaana wax ugaga beddeli karaan jidadka ay u maraan dhismaha dawladnimo iyo nabadaynta Beelaha iyo Kooxaha muddada labaatanka sano ka badan dirirta iyo dagaalladu ka dhexeeyeen ee Soomaaliya.
Warar kale, ayaa iyaguna sheegaya in ujeeddada socdaalka Safarka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ku yimaaddeen Hargeysa la xidhiidho hirgelinta Mashruuc la sheegay in dawladda Turkigu maal-gelinayso oo la sheegay in lagu doonayo is-dhex-galka Bulshooyinka walaalaha ah ee reer Somaliland iyo reer Soomaaliya. Halka ay wararka qaar tibaaxayaan in ujeeddada socdaalka Odayaashu tahay mid siyaasadaysan, isla markaana ay tibaaxayaan inuu Madaxweynaha Soomaaliya u soo diray Somaliland si ay kulamo aan muhiimaddooda la shaacin ula yeeshaan Madaxda Dhaqanka iyo kuwa siyaasadda ee Somaliland. Balse dawladda Soomaaliya iyaduna weli dhinaceeda kamay hadal warkan.
Waxay ila-wareedyada Himilo helay tibaaxeen in dhinaca Xukuumadda Somaliland oo la sheegay inay aad u danaynaysay imaanshiyaha Weftigan Odayaasha ah ee Soomaaliya ka soo socdaalay, muhiimadda ay ka leedahay la xidhiidho inay soo dhoweeyaan Shacabka Soomaaliya si ay u taageeraan qaddiyadda madax-bannanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland, maaddama oo uu wada-hadal u socdo Soomaaliya iyo Somaliland, inkasta oo aan weli natiijo rasmi ah oo wada-hadalladaas labada sano socday laga gaadhay jirin.
Xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiyaa caddaynta iyo iftiiminta ujeeddada socdaalka Odayaasha Beelaha Dhaqanka Soomaaliya ku yimaaddeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale, dawladda Soomaaliya, ayaa iyadana looga fadhiyaa inay ka hadasho waxa ay kala socoto ajandaha socdaalka Odayaashan oo la rejaynayo inay kulamo la yeelan doonaan Madax-dhaqmeedka Somaliland, Mudanayaasha Golaha Guurtida iyo waliba Madaxda Xukuumadda Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment