Thursday, May 8, 2014

Xukuumadda Somaliland Oo Caddaysay Inuu Madaxweyne Siilaanyo Yahay Musharax U Taagan Doorashooyinka Madaxtinimo ee Soo Socda

Hargaysa:May,08,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu Madaxweynaha Somaliland Yahay Musharaxa Shanta sano ee socda loo geli doono kursiga madaxtinimada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Dawladda Somaliland ayaa shaaciyey Musharaxnimada Madaxweynaha ee muddoda soo socota.

waxa uu xusay in madaxweynaha somaliland uu tartanka ku geli doono waxyaabaha badan ee uu dalka ka qabtay mudadii 4 sano ahayd ee uu xukunka

sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay magaaladda hargeysa, waxaanu yidhi

“Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah hogaamiyaheena qaranka maanta talada dalka haya waana aas-aasihii xisbiga kulmiye waxaana uu xilka qabtay 4sanno ka hor xiligii la doortay oo shan sanno ahna hada waxa ka dhiman 1 sanno,doorashada soo socotan sida uu dhigayo dastuurka jamuuriyada somaliland,waxaana uu xaq uu madaxwaynaha somaliland u leeyahay inuu laba jeer isa sharaxo,madaxwaynaha talada haya waa wax iska dabiiciya hadii uu yahay madaxwayne sida uu maanta madaxwayne siilaanyo kalsoonida shacabka u haysto waxqabadkiisuna muuqdo dadkuna way u baahanyihiin inuu talada dalka sii hayo.”

Wasiirka wasaarada warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi galinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo hadalkiisa sii wat ayaa waxa uu intaasi ku daray, “Sidaas awgeed maynaan maqal meel uu madaxwaynaha somaliland ku yidhi talada dalka waan ka tanaasulay oo isma sharaxayo,Madaxwaynahuna waa musharax soo socda ee xisbiga kulmiye ee talada dalka shanta sano ee ku xigtay hayn doona,musharixiinta kale ee hada aynu dhawaaqooda aynu maqalnay ee uu ka mid yahay guddoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi qaar kood kalena ay iman karaana xaq ayey u leeyihiin muwaadin kasta oo xisbiga kulmiye ka tirsanin xaq ayey u leeyihiin sida uu sharcigu qabo wuu isu sharaxi karayaan waxaana uu isku sharaxi karaa xilalka qaranka ee fursadaha sharci dhigayo oo dhan aanay ay ka mid tahay ka madaxtinimada,laakiin intaanu ognahay madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa musharax shanta sanno ee ku xigta shanta sanno ee uu imika hayo madaxwaynaha somaliland.”

Hadalkan ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dambeeyey Hadal hore uga soo yeedhay xukuumadda Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ooh ore u sheegay inuu u taagan yahay Kursiga Madaxtinimada ee Shanta Sano ee Soo Socda.

HALKAN KA DHEGAYSO

[video width="224" height="192" wmv="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/Shir-Jaraaid-oo-Wasiirka-warfaafinta-Cukuse.wmv"][/video]

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment