Diyaaradda ayaa la sheegayaa inay la heleen Gantaal, waxana Halkaas ku geeriyooday dhammaanba dadkii saarnaa oo ahaa ciidanka militariga dalkaUkrain sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Ukrain.Diyaaradda ayaa u socotey magaalada Luhansk bariga dalka Ukraine markii gantaalka lala helay. waxaana nooceedu ahaa kuwa xanbaara ciidamada.
Xaaladda bariga Ukraine ayaa ah mid ka sii daraysa, dalka ayaa u qaybsamey laba qaybood oo kala taageersan reer Galbeedka iyo Ruushka, kadib markii kacdoon lagu afgenbiyey Madaxweynihii hore ee dalkaas.
Madaxweynaha cusub ee dhawaan dalka qabsaday oo taageere u ah Reer Galbeedka ayaa iska diiday inuu wax wada Hadal ah la galo Fallaagada Bariga dalka Colaadda ka oogaysa, waxana taasi ay keentay in kooxahaasi sii laba jibaaraan weerrarada ay ku Hayaan ciidamada qalabka sida ee Dalkaasi leeyahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment