“Maan islahayn in Madaxweynuhu eraygaas odhanayo Guddoomiyaha Xisbiga ayaa loo nisbaynayaa shaani, Madaxweyne, anigu ku odhan maayo adigaan kuu nisbaynayaa shaanida”
“Saaxiibkay Waran-cadde wuxu hore u yidhi; ‘SNM Fulayaal bay ahayd ee Annagaa Geesiyaal ahayn oo Faqashtii joognay. Wuxu TV-ga ka yidhi; ‘Anigu waxaan ahaa Raggii toogtay markuu Siilaanyo Mucaaridka ahaa, haddana wuu iga maarmi waayey oo Wasiir buu iga dhigay, tanna ku darso Rag baa Madaxnimo Shaani ku doonaya..”- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, 03 June, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warramay qodobbada ay u gudbiyeen Ergada dhex-dhexaadinta KULMIYE ee Golaha Guurtida oo ay shalay kulankoodii ugu horreeyey wada-yeesheen. Isla markaana, waxa uu jawaab ka bixiyey qaraxyada aan ujeeddadooda la fahmin ee habeennadii u dambeeyey dhawaaqooda laga maqlayey Caasimadda Hargeysa oo ay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa arrimaha guduhu ku eedeeyeen Garabka Muuse ee KULMIYE.
Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay dad loo xidh-xidhay Sawirkiisa, xadhigga siyaasiga ah ee Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Cabdillaahi Abbokor, qaabkii Gurigiisa loo weeraray, sifaha lagu soo qabtay iyo dad isku-qarxiyey Jabuuti oo uu sheegay inay Hargeysa dhawr iyo labaatan maalmood joogeen oo uu xusay inay ceeb iyo fool-xumo ku tahay Somaliland, taasoo Hay’adaha dawladda ee ammaanka qaabbilsani jawaabteeda looga baahan yahay.
“Maanta (shalay) waxa noo yeedhay Guurtida, waxay ahaayeen Guddi ballaadhan, waxa joogay Shir-guddoonka oo isu dhan, nimankaasi way noo goleeyeen, way na dhegaysteen, waxaannu kala hadalnay wixii jiray. Waxaannu ka xunnahay oo aannu iyagana u sheegnay shacabkana u sheegaynaa in Xisbiga KULMIYE oo is-haysta Guurti iyo Shacab-ba u soo gurmado dhexdooda khilaafka ah, tu aannu filaynay maaha, tu aannu jecelnay maaha, waa tu aannu ka xunnahay, waxaanannu jecelnahay inaannu hore u dhammayno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlayey waxay Guurtida ka wadahadleen kulankooda koowaad ee dhex-dhexaadinta.
Waxaanu Guddoomiye Muuse Biixi intaas ku daray oo yidhi; “Anigoo Guddoomiyaha ah iyo Ragga ila socdaaba waxaannu arrintaas ka taagannahay meel nabadgelyo, wadahadal iyo is-afgarad lagu dhammeeyo. Ma sidno ficiltan, ma sidno erayo dhiif leh, ma sidno waxaasaa nala yeelay waxaannu sidnaa xal, wax walba dhinaca san baannu ka arkaynaa. Saaxiibbadayada aannu wada shaqayno ee aannu inta badan soo wada halgamaynay halgan hore iyo ku dambe ee Madaxweynaha Axmed-Siilaanyo ugu horreeyo aniga Guddoomiye ahaan iima muuqato intii aannu is-khilaafnay iyo intii aannu is-nidhi ee xun.
“Waayo? Dad wada-shaqeeyaa marar badan bay is-khilaafaan, waxaa noo muuqda ka badan oo aannu qirsannahay intaannu guul wada-gaadhnay, intaannu is-afgarannay iyo intaannu wada qabsannay, annaguna ra’yigaas baannu ka duulaynaa.” ayuu intaas ku sii daray oo uu yidhi Muuse Biixi.
Muuse Biixii waxa uu sheegay inay Guurtida u sheegeen waxay u arkaan in dhibta khilaafku ka dhalatay, waxaanu yidhi; “Guurtida waxaannu u sheegnay sidii ay nnoogu muuqatay waxa dhibaatada keenay oo ay koow ka tahay Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga wixii uu go’aammo gaadhay oo lagu daray go’aammo aan jirin, dhibta koowaad halkaas bay ka kacday. Dhibtaa waxa ku xigay markii aan anigu idhi waxaan ahay musharrax dagaal Cir iyo Dhul ah baa la qaaday oo Madaxweynuhu qaaday, taasina meesha may qabanayn.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay labadaas qodob inay ka dhasheen dhibaatooyin, dhiig daatay, dad la xidh-xidhay iyo arrimo kale oo Cirka geeyey khilaafka KULMIYE. Waxa uu Muuse Biixi oo ka hadlaya dadka la xidh-xidhay ee uu ka midka yahay Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga, waxa uu yidhi; “Ta koowaad dadka dhibaatada loo geystay ee la xidhxidhay waxaannu leenahay waa khalad, waana in gefkaas la saxaa dadkaas xorriyaddooda loo soo celiyaa. Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abbokor xadhigga la xidhay waa xadhig siyaasi ah, waxaynu ognahay xadhigga siyaasiga ahi colaad, nac iyo xumaan mooyee wanaag ma keeno, waxaannu leenahay waa qalad ee hallaga noqdo.”
“Waxa iyana dhibaato labaad ah habkii loo qabtay ee gurigiisa loo galay qof kasta oo daawaday dhaawac, fool-xumo iyo naxdin way ugu filan tahay Somaliland. Ciddii talaabadaas qaadday waxaan u arkaa inay u badheedhay qaladkaas. Cabdillaahi waa la qaban karayey, si nabadgelyo ah baa loo qaban karaayey, meelkastaa laga heli karayey, habeenkii la qabanaayey maalinnimadeedii hore halkan Xafiiska KULMIYE ayuu joogay, wuu noo sheegay oo waxa uu yidhi; ‘C.I.D-daa ila soo hadlayoo waxaan ku idhi waaran ii keena aan idiinku imaaddo’. Waxaan ku idhi waad hagaagsantay, xataa waxaannu ku nidhi yaanay ku raacin cidi ee hadday Boolisku kuu yimaaddaan oo ay qoraal Maxkamadeed sitaan raac Maxkamaddu haku xidho, diyaar buu ahaa Cabdillaahi Abbokor.” Sidaaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaan maqlayey hub baa laga keenay gurigiisa iyo hub baa laga qabtay guriga, Guri walba hub wuu yaallaa, ta la sameeyey Ninka Guriga ku dagaallamay Diintaa-ba oggol marka Cirdigaaga iyo gurigaaga iyo Xaaskaaga lagugu soo weeraro muxuu u eeganayaa ninka guriga ku soo weeraray saqda dhexe. Waxaan leeyahay arrintaasi halka loo maray waa godob weyn oo halkaas taal.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay dad loo xidh-xidhay Sawirkiisa, waxaanu yidhi; “Waxa la xidhay dad taageerayaasha Xisbiga ah oo loo xidhay Sawirka Guddoomiyaha ayay siteen, waxaan weydiinaynaa Madaxweynaha marka uu noqday dembi Sawirkaygu, kaaguna uu noqday xalaal. Waxaannu ka diiddannahay oo Wasiirka Daakhilga iyo Madaxweynuhu isku raaceen in la yidhi waxa qarxa waxa qarxiya Rag madaxnimo doonaya, waan ka xumahay inay Madaxweynaha afkiisa ka soo baxdo.”
“Saaxiibkay Waran-cadde isaga la yaabi mayo oo intan dambe ee uu Wasiirka noqday hadalladiisa deel-qaafka ahi waa iska caadi maalmahan dambe. Hore wuxu u yidhi; ‘SNM Fulayaal bay ahayd ee Annagaaa Geesiyaal ahayn oo Faqashtii joognay. Wuxu yidhi isagoo TV-ga Space Chenal la hadlaya oo uu ku faanay, ‘Anigu waxaan ahaa Raggii toogtay markuu Siilaanyo Mucaaridka ahaa, haddana wuu iga maarmi waayey oo Wasiir buu iga dhigay, tanna ku darso Rag baa Madaxnimo Shaani ku doonaya, waxba tix-raaci maayo. Laakiin, maan islahayn in Madaxweynuhu eraygaa odhanaayo Guddoomiyaha Xisbiga ayaa loo nisbaynayaa shaani, Madaxweyne anigu ku odhan maayo adigaan kuu nisbaynayaa shaanida.”
“Waxaan weydiinayaa Hay’adaha Amniga oo uu koow ka yahay Wasiirka Daakhiligu dadkii Jabuuti qarxiyey waxa la sheegay inay dhawr iyo labaatan cisho Hargeysa joogeen oo ay ka baxeen, dhaawac ka wayn iyo ceeb ka wayn oo Somaliland dul-saarani ma jirto, taas soo hela intaynu innagu isku wareegaysanayno.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Muuse Biixi waxa uu u soo jeediyey Taageerayaasha guud ahaan jooga dalka Somaliland ee Xisbiga KULMIYE inay KULMIYE-nimada ku eegaadaan, isla markaana aan qololo iyo caaddifad wax loo dhigin, maaddaama oo waxa la isku hayaa yahay siyaasad iyo damaca kursiga, isla markaana lagu dhex-jiro oo la rejaynayo in la soo afjaro khilaafkaas. Muuse Biixi waxa uu ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamau in Idaacadda iyo TV-ga Qaranka Somaliland ee ay dawladdu maamusho loo adeegsado in Hoggaanka Xisbiga KULMIYE laga caayo, Madaxtooyadana loogu adeego.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment