Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye oo xambaarsanaa hambalyada Guddoomiyaha, ayaa u qoraa sidan:- “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland xuska sannad-guurada 54-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.Guddoomiyuhu wuxuu u rajaynayaa inay sannadkan kiisa ku gaadhaan horumar iyo aqoonsi.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment