Thursday, June 12, 2014

Kooxda ISIL Oo Sii Kordhinaysa Magaalooyinka Waaweyn Ee ay Qabsanayaan iyo Ciidamadii Ciraaq Oo Aan Iska Caabin Samaynin wali

Kirkok:June,12,2014(Himilo)-Kooxda Dunidu sida weyn uga Hadlayso ee Ka Dagaallanta Dalka Ciraaq ee ISIL ayaa sii wadda Guulo ay ku qabsanayso Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Ciraaq.

kirikKooxdan oo islaamiyiinta ah oo laba maalmood ka hor la wareegay Magaalada Mosil, isla-markaana Dawladda Ciraaq iyo dunida inteeda kaleba yaab ku Noqotay ayaa Shalayna qabsaday Magaalada Wey nee Tikriit.

Magaalada Tikriit ayaa ah goobtii uu ku dhashay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein, waana magaalo ay u badan yihiin Sunnidu tirada yar ee Dalkaasi ku Nool.

 

Kooxdan ayaa hada dagaal ka wada magaalada Samara oo dhaxeysa Tikriit iyo Baqdaad, iyadoo doonaya inay Gudaha u galaan.

Magaalada Sammara ayaa ah goobta uu ku dhashay hogaamiyaha kooxda ISIL oo lagu sheegay in aad u maskax badan oo xidhiidh la leh kooxaha Al-qaaacida.

Sammara ayaa 2 saac oo kaliya u jirta magaalada caasimada ah ee Baqdaad,Kooxda ISIL ayaa hore usoo qabsatay magaalooyinka Fallujah iyo Ramadi ee gobalka Anbar.

Kooxda ISIL ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Caasimada ah ee Baqdaad, xili dowlada aanay weli jawaab militari ka bixin guulihii kooxdan maalmihii lasoo dhaafay ka gaadheen dagaaladii ka socday waqooyiga Ciraaq oo hada ka baxay faraha dowlada Nuuri Maliki.

 

Raysalwasaare Maliki ayaa sheegay in abaabulayaan ciidamada Militariga iyo Booliiska oo uu sheegay inay ka awood badan yihiin kooxda ISIL, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la dagaalamaan kooxdaasi.

 

In badan oo kamid ah ciidamada Ciraaq ayaa hubkoodii iyo gaadiidkoodii ka cararay xiligii ay xoogaga ISIL la wareegayeen magaalada Mosul.

 

Wadamada Reer Galbeedka ayaa walaac weyn ka qaba duulaanka ISIL kula wareegtay dhul baaxadbadan oo isku xidhaya Waqooyiga dalalka Siiriya iyo Ciraaq, kooxdan ayaa hada gacanta ku heysa dhul aad u weyn.

 

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada dalka Ciraaq. Dowlada Maraykanka oo hore u sheegtay inaanay faraha la geli doonin dagaalka ka socda Ciraaq, waxase la sheegayaa in dawladdu diyaarado ku joojisay Kooxdan si aanay u sii soconin.

 


 


 


Himilo Medida

No comments:

Post a Comment