“Awoogay Koore ayaa sameeyey Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya 130 sano ka hor. Awoogay baa gartay in dadka deegaankaas dantoodu ku jirto inay noqdaan Somaliland, annaguna..” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore
Taleex, 14 June, 2014 (Himilo)- Masuuliyiinta Golayaasha dawladda Somaliland ka tirsan ee dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa sheegay in sida ay Ciidammada Somaliland ula wareegeen gacan-ku-haynta degmada Taleex ee gobolkaas ay gacanta ugu haynayso, isla markaana aanay Ciidammadu halkaas dib uga soo noqon doonin, Hay’adaha dawladduna Xafiisyadooda ka furan doonaan.
Wasiiru-dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobollada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland oo saddexdooduba ka soo jeeda Sool, ayaa shalay Shir Jaraa’id oo ay si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Harrgeysa, waxay kaga warrameen muhiimadda ay Somaliland u leedahay inay Ciidammadu gaadhaan Taleex iyo ujeeddada ay halkaas u tageen.
Wasiiru-dawle Cali-Sandulle oo ka hadlay shirkaa Jaraa’id, ayaa sheegay in Amarka Xukuumadda Somaliland bixisay ahaa in la badbaadiyo dadka dhibaatada deegaankaas ka wada iyo shacabka kale ee deegaanka ku dhaqan oo aan wax dagaal ahi halkaasi ka dhicin oo aan dhiig ku daadan. “Amarka Xukuumaddu bixisay waxa uu ahaa wax kasta oo dadka deegaankaasi ku badbaadayo iyo Siyaasiyiinta dibedda uga soo dheefay la sameeyo oo aanay cid xagtini soo gaadhin, waxaanay taasi u dhacday sidii loogu talo-galay oo dhibaato kama dhicin, dadka reer Taleex-na way u baahnaayeen in Ciidankooda iyo dawladdoodu u tegto, dadka deegaanka iyo Siyaasiyiinta Cali Khaliif wadayna ismay ogeyn.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha nabadaynta Bariga ee Somaliland.
Cali-Sandulle mar uu ka hadlayay sida ay dadka iyo ciidanku isu fahan san yihiin iyo tallaabada taa Ciidanka xigta ee ay dawladdu qaadayso waxa uu yidhi; “Waxaannu diyaar ula nahay oo awalba shaqaaqooyinku ka habsaamiyeen inaannu deegaanka wax-ka-qabadkiisii aannu hadda gaadhsiinno horumarkii si degdeg ah, kumana eegaan doonto uun tegista Ciidanka ee Xukuumadduna way u guuri doontaa aniga iyo Rag badan oo kalena si dhaqso ah baannu u tegaynaa Taleex, waxaannu isleenahay reer Taleex way ka raysan doonaan dhibaatadii lagu waday.”
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta gobollada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandulle), waxa uu sheegay in dadka deegaanka oo marka hore u yeedhay Ciidanka ay si fiican u soo dhaweeyeen ciidanka, waxaanu yidhi; “Sidaad ula socotaan Ciidanku waxa uu kala kulmay Taleex soo dhawayn wacan, dadka iyo Ciidanku way is-ogaayeen, maanta (shalay) reer Taleex baa casuumad u sameeyey Ciidanka Qaranka ee halkaas jooga oo dhan. Waxaan uga mahad-celinayaa reer Taleex soodhawayntaas iyo casuumaddaa ay Ciidanka u sameeyeen, waxaan leeyahay reer Taleexoow Xukuumadda Somaliland way idinka dhaq-dhaqaysaa.”
Waxaanu Cali-Sandulle intaas ku daray oo sheegay inaanay wadin wax dhibaato ah oo ay doonayaan inay u geystaan Puntland iyo cid kale toona, balse ay wada gaadhi doonaan dhulka Somaliland ee dhinaca Bariga. Waxa uu intaas raaciyey inay Somaliland heshiisiinayso oo ay wadahadashiisay beelo walaalo ah oo Taleex wada dega oo fidmo la dhex-dhigay oo uu xusay inay siyaasiyiinta halkaas laga eryey ee Cali Khaliif hor-socdaa isku dhufteen.
Xidlihbaan Saleebaan Cali Koore oo isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay degmada Taleex oo ka mid ahayd meelaha ugu nabadda badan dhulka Soomaalidu degto labadii sano ee u dambeeyey ay Siyaasiyiin dibedda ka yimi dhibaato u soo jiideen, isla markaana wakhtigaa gudihiisa ay ku dhinteen 21 qof, halkaasoo uu sheegay in dhiig ku daata ay ugu dambaysay wakhtigii Daraawiishta 1921-kii, sababta ay Somaliland ula wareegtayna tahay inaan dhiig dambe ku daadan.
“Awoogay Koore ayaa sameeyey Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya boqol iyo soddon sano ka hor. Awoogay baa gartay 130-sano ka hor in dadka deegaankaas ay dantoodu ku jirto inay noqdaan deegaanka Somaliland ama wixii la odhan jiray Maxmiyadda Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland (Somaliland British Protogtarate), wax isku khilaafay iyo wax isku diiday ma jirin, annaguna waxaannu maanta daba soconnaa waa fikirkiisii.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho), oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegey inuu u mhadcelinayo dadweynaha reer Taleex ee soo dhaweeyey Ciidammada iyo Ciidammada aqbalay yeedhmada dadka reer Taleex ugu yeedheen. Waxaanu sheegay inay Somaliland waayeelnimo dhaqan u leedahay, isla markaana ay heshiisiinayso dadka reer Taleex ee ay dhibaatada dhex-dhigeen Siyaasiyiinta doolaalada u yimi deegaankaas.
“Horta waxaan u mahad-naqayaa dadweynaha reer Taleex ee soo dhaweeyey Ciidammada Qaranka. Ta labaad waxaan u mahad-celinayaa Ciidammada Qaranka ee aqbalay dadka u yeedhay ee reer Taleex inay u tagaan. Ta saddexaad waxaan u ducaynayaa nimankaa Taleex iskaga tegay oo aan leeyahay mar dambe haku soo noqonnina, dadkaasi way tashadeen annaguna taladooda ayaannu tixgelinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Indha-indho, waxaanu sheegay inaanay Somaliland halkaas ka soo labanayn ee ay Xuduudeheeda gaadhayso oo aanay cidna marti uga ahayn.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment