Saturday, June 14, 2014

Wararkii ugu dambeeyey ee Khasaaraha Dagaallo labadii gelin ee shalay Ciidanka Qaranku la galay Malleeshiyooyinka Khaatumo & Puntland




Tirada Meydad iyo dhaawac xalay la soo gaadhsiiyey Laascaanood


 


Qorrilay 14 June, 2014 (Himilo)- Wararkii u dambeeyey ee dagaal shalay ku dhex-maray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyada kooxda la baxday Khaatumo Deegaanka Geel-boob oo ku dhaw magaalada Saax-dheer oo Laascaanood ku dhawaad 80KM dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan, ayaa sheegay in halkaas dagaal qadhaadhi ka dhacay shalay gelinkii dambe, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, sida ay tibaxeen wararka madaxa-bannaan ee aanu ka helnay deegaankaas.


xiisadInkasta oo sida ay sheegayaan Wararka Wargeyska Himilo xalay saacadihii dambe ka helay khasaaraha dagaalkaas, in dhinaca Malleeshiyada Khaatumo khasaaruhu ku badan yahay, haddana waxa xalay 11:20 illaa 12:00-kii habeennimo la soo gaadhsiiyey magaalada Laascaanood Meydadka Shan qof oo Afar ka tirsanaayeen Ciidanka Qaranka Somaliland, halka ka tobnaadna ahaa mid ka mid ah Malleeshiyada Khaatumo oo ay Ciidanka Somaliland dhaawac ku qabteen, ka dibna geeriyooday iyo afar Askari oo dhaawac ah.


Dhawr ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo aannu xalay la xidhiidhnay si aannu dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay wax uga weydiinno, ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ka bixiyaan. Hase-yeeshee, waxay qaarkood u sheegeen Wargeyska Himilo, in saddex Baabuur oo laba Tignikada Ciidammada ee Qoryuhu saaran yihiin ah iyo hal Gaadhi oo Langaruusal ah ka qabsadeen kooxda nabad-diidka ah.


Warar Madax-bannaan oo Wargeyska Himilo xalay saacadihii dambe ka helay magaalada Laascaanood ee Meydadka iyo dhaawaca la soo gaadhsiiyey iyo Saraakiisha qaarkood, ayaa sheegaya in Ciidammada Somaliland saddexda Baabuur ee ay ka qabsadeen Malleeshiyada Khaatumo ka sokow ay ka gubeen dhawr baabuur oo Tigniko ah, halka Ciidanka Qaranka Somaliland-na laga gubay hal Gaadhi oo Tigniko ah. Hase-yeeshee, Saraakiisha aannu la xidhiidhnay qaarkood way ka gaabsadeen inay wax xog ah ka bixiyaan warkaas.


Hase-yeeshee, dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaabmay ka dib markii ay Malleeshiyada Khaatumo jid-gooyo u galeen Guuto ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo la sheegay inay u jeedeen dhinaca Saax-dheer, halkaas oo ay ku sugnaayeen Siyaasiyiinta maamulka la baxay Khaatumo ee ka baxay Taleex Khamiistii dorraad, Ciidanka Qarankuna waa uu iska caabiyey weerarkaas jid-gooyada ahayd sida uu Wararka ku helay Wargeyska Himilo.


Haseyeeshee, dhinaca malleeshiyaadka Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee gaadhay, balse sida ay tibaaxeen wararka madaxa-bannaan ee aanu dhinaca ka helnay, waxa dagaalkaas ka soo gaadhay khasaare tiro badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, kuwaas oo la geeyey magaalada Buuhoodle.


Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa inay Xalay deegaanka Geel-boob ee ku dhaw Saax-dheer iskula gabbal-dhacsadeen Malleeshiyada, Ciidankuna uu halkaas u hoyday oo aanay dib uga soo bixin, iyadoo laga werwer qabo inuu halkaas subaxnimada saaka ka sii bilaabmo dagaalku, maaddaama oo labada dhinacba is-abaabul bilaabeen xalay sida aannu wararka ku helnay.kale oo ee aanu ka helnay deegaankaas, ayaa sheegay in Cali Khaliif iyo Rag kale oo wehelinayey ay isla xalayba u soo baxeen dhinaca magaalada Buuhoodle, ka dib markii ay ka soo firxadeen tuulada Saax-dheer oo Ciidamada Qaranku kaga daba-tageen.


Dhinaca kale, waxay Ciidammada Qaranka Somaliland ee dagaalku gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ku dhex-maray Geel-boob Malleeshiyada Khaatumo, ka hor ay gelinkii hore ee shalay dagaallameen Malleeshiyo la sheegay inay ka soo jeedaan dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana wararka Himilo ka helay dagaalkaas gelinkii hore ee shalay dhacay ay sheegayaan inuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kurcad.


Wararku waxay intaa ku dareen in Ciidanka Qaranka Somaliland khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira u geysteen Malleeshiyaadka ka soo jeeda Puntland oo maalmihii u dambeeyey isku uruursanayey tuulada Kurcad, wakhti ay halkaa u tageen Ciidanka Qaranku inaanay hoggaamiyeyaashii Khaatumo ka tallaabin Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.


Xaaladda magaalada Burtinle oo saaran waddada isku xidha Garoowe iyo Gaalkacayo ayaa la sheegayaa inay kacsan tahay, ka dib markii la geeyey Meydad ka tirsanaa Malleeshiyaadka Puntland ee dagaalku ku dhexmaray Ciidanka Qaranka tuulada Kurcad.


Guuto ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa wakhtigan la sheegay inay ku sugan yihiin tuulada Qorrilay oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Saax-dheer, halkaana u tageen inaanay uga tallaabin dhinaca xadka Itoobiya hoggaamiyeyaashii Khaatumo oo ku sugan deegaanka Saax-dheer, ka dib markii ay ka firxadeen degmada Taleex oo ay Ciidanka Qaranku subaxnimadii Khamiista la wareegeen gacan-ku-haynteeda, halkaas oo intaan ciidanku la wareegin ka hor shir uga socday Malleeshiyada Khaatumo oo uu horkacayey Cali Khaliif Galaydh.


Inkastoo faahfaahin dhammaysitan oo ku saabsan khasaaraha dagaalkaasi Kurcad aan la helin, haddana, xogaha wargeyska Himilo helay ayaa sheegaya in meydad gaadhaya ilaa afar oo maleeshiyaadkii Puntland ah la gaadhsiiyey magaalada Burtinle, halka dhaawacyadii cuslaa loo dhaafiyey magaalada Gaalkacayo.


Malleeshiyaadka ka soo jeeday Puntland ee ku sugnaa tuulada Kurcad, ayaa dadka deegaanku sheegeen inay qorshaynayeen weerar aar-gudasho ah oo ay ku soo qaadaan beel ka mid ah Dhulbahante oo dhawaan nin kaga dilay deegaankaas sida ay la sheegay.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment